Imaaraadka oo war kasoo saarey weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Imaaraadka ayaa si kulul u cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof.

War qoraal ah oo ay soo saartey maanta wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka, ayaa tacsi loogu diray qoysaska iyo ehelada ay dhibaatada kasoo gaartey qaraxa ka dhacay Bood Boodka, duleedka Afgooye.

Imaaraadka ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo nooc kasta falalka argagaxisada, ee lagu khal-khal gelinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana lagu dilayo dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda Imaaraadka ay taageero la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo caafimaad deg deg ah loo rajeeyay dadkii ku dhaawacmey weerarkii shalay.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhaawacantay, oo ay ku jiraan 6 u dhashay dalka Turkiga, kuwaasoo ka shaqeynayay dhismaha jidka isku xira magaaladda Muqdisho iyo degmada Afgooye, kaasoo ay maal-gelinayso dowladda Qatar.

Waa weerarkii labaad oo tan iyo bishii lasoo dhaafay lagula eegtay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye shaqaalaha Turkiga, iyadoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda labadii qaraxa ee ugu dambeeyay.

Al-Shabaaba ayaa ku sheegtay sababta ay ku beeganayso muwaadiniinta Turkiga inay dowladooda ay taageero military siiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeysay inay boobeyso khayraadka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM