Jabuuti: Wasiirkii hore cadaaladda iyo xubno kale oo la xiray

Image

31 December, 2015(GO)-Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay xubno ay sheegtay inay ku lug lahaayeen shaqaaqadii 21 December, 2015 ka dhacay degmada Balbala oo ku taalla magalada caasimadda ah ee Jabuuti.

Xukuumadda ayaa xabsiga dhigtay 32 ruux oo kamidyihiin wasiirkii hore cadaaladda Xaamid Cabdi Suldaan iyo duqii hore Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidamadu ka kaxeysteen iridka hore ee Isbitaalka shalay markii uu ka soo baxay, isagoo tilmaamay inay kawal wal qabaan xaaladiisa caafimaad maadama u baahnaa dhaqtar markasta la socda caafimaadkiisa.

Wasiirka Cadaaladda Jabuuti Faarax Cali Casoowe ayaa soo dhaweyay go'aanka dowladdu ku xir xirtay dadka lasoo eedeeyay.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xabisay lagu so ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalin isniin ah 21-kii December 2015 ka dhacday dalkaas, taaso sababtay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah.

Cidda ka dambaysay rabshadaasi ayaa mucaaradku ku eedeeyeen dowladda, halka xukuumaddu sheegtay inay ahaayeen shufto doonaysay inay waxyeellayso ciidamo Bilays ah oo goobta ku sugnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu qabtay Howlgalka ICE ee Minnesota

Soomaalida Minnasota ayaa walaac ka muujiyay tarxiilka billowday iyo beegsiga uu Trump ku hayo, iyadoo arinta keeni karto dad badan.

  • Caalamka

    05-12-2025

  • 10:53AM

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka Jawaabay Hadalladii Trump xilli Howlgallo Socdaalka laga Bilaabayo Minnesota

Xamse ayaa yiri in dalalka uu Trump ka hadlay ay ka mid yihiin Nigeria, South Africa iyo kuwo…

  • Caalamka

    03-12-2025

  • 03:46PM