Kim Jong-un oo samaynaya wax aysan samaynin Aabihiis iyo Awoowgiis

Image

Pyongyang - Ku dhawaaqista hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un in uu sida ugu dhaqsiyada badan u joojinayo tijaabada gantaalada hubka nuyuukleerka iyo kuwa kale ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xili uu isu diyaarinayo labo kulan oo muhiimad ahaan aad u sareeya dhanka dublamaasiyadda.

Balse aqoonta loo leeyahay taariikhda dalka ee xagga tijaabada gantaalada ayaa ina baraysa in rajada laga qabo ay munaasab tahay in aad loo xakameeyo.

Sababta lagu sheegay in loo joojiyay ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay gaartay yoolkii ay ka lahayd tijaabada, islamarkaasba ay ebyantay sancada gantaalada.

Inkasta oo sheegashadan ay tahay mid aanan la xaqiijin karin, haddane lama beensan karo, sababtoo ah Hindiya iyo Pakistan waxa ay sameeyeen 6 tijaabo gantaalada Nuyuukleerka sanadkii 1998-dii, haddana waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin awoodaha aduunka ee Nuyuukleerka heysta iyaga oo aanan samaynin ytijaabooyin dheeraad ah.

Kuuriyada Waqooyi waxa ay samaysay 6 tijaabo, tii ugu dambeysana waxa ay muujisay in gantaaladaas ay leeyihiin awood ku filan intii laga filanayay.

Xaqiiqda ah in uu dhawaan Kim safar ku tagay Shiinaha ayaa waxa ay ka dhigantahay in uu kalsooni ku qabo in uu hantay awooda gudaha ee dalkiisa, in uu ku dhawaaqay joojinta tijaabooyinkana waxa ay ka dhigantahay kalsoonida cusub ee uu naftiisa ku qabo.

Balse dhibka wali heysta waa in ay aad ugu yaryihihiin qalabkii gani lahaa gantaalada, waxayna kaliya heystaan illaa 6 qalabkaas ah.

Balse inta Kuuriyada Waqooyi ay gacanta ku heysato gantaaladeeda, markasta waa ay iska qaadi kartaa xayiraada tijaabada gantaalada ee ay iyagu isku soo rogeen.

Kim waxa uu guddiga dhexe ee dalkaas ka taliya u sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso awood nuyuukleer oo weyn, balse laga barbar dhiso dhaqaale xoog badan oo uu dalkaas yeesho.

Maalintii sabtida waxa uu si cad u sheegay in joojinta tijaabada looga gol leeyahay in la dhiso dhaqaale balaaran oo ku dhisan habka hanti wadaagga, korna loo qaado heerka nolosha dadka dalkaas.

Hadalkaas waxaa loo qaadan karaa mid dhab ah, Kuuriyada Waqooyina waxa ay dalbi doontaa in laga qafiifiyo cunaqabataynada caalamiga ah ee saaran marka ay dhacaan labada shire e muhiimka ah ee soo socda.

Balse waxaa aad la isu weeydiinayaa sababta Kim Jong-un uu u sameeyay tanaasul intan la'eg xitaa ka hor shirarka la qorsheynayo in uu la yeesho madaxweynayaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

In Kim uu la kulmo Trump lafteeda ayaaba guul ah, sababtoo ah wuxuu sameeyay wax aabihiis iyo awoowgiisba ay samayn waayeen intii ay xilka hayeen.

Balse dhawaaqa soo yeeray ma ahan mid ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay dhigi doonto hubka Nuyuukleerka gabi ahaanba, balse waxa uu u shanqarayaa sidii dal diyaar u ah in uu noqdo awood nuyuukleer ku hubeysan oo aanan damac ka lahayn hub ka dhigis.

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM