Kulanka Trump iyo Kim John-Un oo qarka u saaran inuu fashilmo

Image

Pyongyang - Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay inay joojisay Wadahadallo ay la lahayd Kuuriyadda Koonfureed, kuwasoo lagu waday inay maanta oo Arbaco ah dhacaan.

Sababta ayaa waxay ku sheegtay dhoolatuska militeriga Kuuriyadda Koonfureed iyo Mareykank ka sameynayaan xadka labada dal kaasi oo dhaawacaya xiriirka soo hagaagayey ee labada dhinac.

Wakaalada wararka u faafisa Kuuriyadda Woqooyi ee KCNA ayaa shaki gelisay shir-madaxeeda lagu wado in bisha dambe ay yeesheen Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ee Kim Jong-un iyo Madaxweyne Mareykanka Donald Trump.

“Carbiskaan militari oo ay si joogta ah u sameyso Kooriyada Koonfureed, waxaa lagu beegsanayaa inaga, wuxuua caqabad ku yahay Cahdigii Panmunjom, wuxuuna aburayaa dagaal, kaasoo caqabad ku noqonaya horumarka siyaasadeed ee gacanka Kuuriya,” ayaa laga soo xigtay KCNA.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in lagu sii socon doono qorshaha shirka ka dhacaya Singapore 12-ka bisha June, inkastoo xukuumdda Pyongyang ay digniin culus soo saartay. 

"Kim Jong-un ayaa horey u sheegtay inuu fahamsan yahay baahida iyo muhiimadda Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed inay sii wadayaan dhoolatuska wadajirka ah, waan sii wadi doonaa qorshaha kulanka," waxaa sidaasi Wariyaasha u sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Heather Nauert. 

Waxay sheegtay in xukuumadda Washington aysan helin wax digniino ah oo ku aadan hadii Kuuriyadda Waqooyi ay bedalayso mowqifkeeda ku aadan kulanka Trump iyo Kim.

Kulanka baaqday maanta ee labada Kuuriya ayaa lagu waday in diiradda lagu saaro qorshayaasha lagu dhaqan gelinayo qodobadii kasoo baxay kulankii 27-kii Abriil ka dhacay tuulada xadka ku taalla ee Panmunjom ee u dhaxeeyay Kim iyo dhiggisa Kuuriyada Koonfureed. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM