Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf oo dil lagu xukumay

Image

ISLAMABAD - Maxkamadda gaar ah oo ku taalla Pakistan, ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Pervez Musharraf oo lagu eedeeyay "qiyaanno-qaran".

Kiiska qiyaannada-qaran ee ka dhanka ah Musharraf ayaa billowday 2014, iyadoo lagu haysto inuu xalaad degdeg ah geliyay Pakistan November 3, 2007.

Musharraf, oo hadda dibad-joog ku ah magaaladda Dubai ee wadanka Imaaraadka ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Hogaamiyahan oo gacan-bir ah kusoo maamulay Pakistan intii u dhaxeysay 2001 illaa 2008, ayaa laalay dastuurka dalkiisa 2007, isagoo xabsiga dhigay siyaasiyiin sare iyo qareenno.

Musharraf ayaa awoodda kula wareegay afgembi militeriga 1999, isagoo labo sano kadib dalkan ku yaalla Koonfurta Asia ka noqday Madaxweyne, wuxuuna xilkaasi hayay 8 sano.

Wuxuu xukunka ka degay 2008 kadib markii xisbigiisa looga adkaadey doorasho guud oo ka dhacday Pakistan.

Musharraf, oo 76 jir ah ayaa ku dhashay magaaladda New Delhi 1943, afar sano kahor inta aysan Pakistan ka go'in India.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM