Mareykanka iyo Shinaha oo dagaalkii ugu xumaa ka dhex qarxay

Image

WASHINGTON - Canshuur kordhin cusub oo kale oo ay isugu jawaabeen dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa dhaqan-galay maanta oo Isniin ah.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa badeecadaha Shiinaha uu usoo dhoofiyo Mareykanka dul saaray tacriif cusub oo gaareysa $200 oo bilyan oo doollarka Mareykanka ah, halka Shiinaha uu 60 bilyan oo doollarka Mareykanka oo canshuur kordhin ah ku rogay alaabta ay shirkdaha Mareykanka u iib-geeyaan Shiinaha.

Dhammaan canshuurahan cusub ee ay labada dhinac isugu jawaabeen ayaa dhaqan-galay xalay laba iyo tobanki iyo hal daqiiqo marki ay aheyd saacadda magaaladan Washington DC.

Tacriifaha cusub ayaa si gaara ah u saameynaya wax soo saarka shirkadaha shiinaha sida qalabka elektarooniga, cuntada iyo qalabka guryaha, waxay ku billaaban doontaa boqolkiiba 10, kaddibna waxay sare ugu kici doontaa tacriifta ilaa boqolkiiba 25 marka la gaaro 1-da bisha Jannaayo ee sannadka 2019-ka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu kaga guuleysan doono Shiinaha dagaalka walba oo dhinaca ganacsiga ah.

Dowlada Shiinaha ayaa hadal qoraal ah oo ay arrintani kasoo saartay in canshuuraha uu Mareykanka saarayo badeecada Shiinaha ay Washington ugu caga-jugeleyneyso dalalka kale ee caalamka si u raacaan tilmaamaha ganacsi ee Mareykanka.

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM