Maxay ku heshiiyeen Donald Trump Iyo Kim-jong Un?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

SINGAPORE - Madaxweyne Donald Trump iyo Hogaamiye Kim-jong Un ayaa waxay ku yeesheen dalka Singpore kulan madaxeed taariikh ah kadib, kaasoo noqonaya markii ugu horeysay oo madaxda labada dal is isku arkaan, sanado badan kadib.

Trump iyo Kim ayaa is-weydarsaday fekero ku saabsan sida loo sameyn karo xiriir cusub oo dhexmara Mareykanka iyo Kuuriyadda Woqooyi, kaasoo ku dhisan xoog leh, misana nabad kuwada noolaansho ah.

Trump ayaa siiyay Kuuriyadda Woqooyi balanqaad amaan ah, kaasi oo uu soo dhaweeyay Kim oo isna dhankiisa uu balanqaaday inuu gabi ahaanba ka takhalusayo Hubka wax gumaada ee Nuk-liyeerka.

Si loo sameeyo xiriir wanaagsan oo labada dowladood dhexmara iyo in Jariirad la moodka Kuuriya ay noqoto meel ka caagan Nuk-liyeerka Trump iyo Kim ayaa kala saxiixday heshiis hordhac ah, oo lagu tilmaamay billow wanaagsan.

- Qodobada Heshiiska Trump iyo Kim -

1: Mareykanka iyo Kuuriyadda Woqooyi waxay yeelan doonan xiriir cusub, iyagoo raacaya go'aanka shacabka labada dal oo ah nabad iyo barwaaqo.

2: Mareykanka iyo Kuuriyadda Woqooyi waxay si wadajir ah ay ugu bixin doonaa dadaaladooda si Jaziirad la moodka Kuuriya uu unoqdo meel ay ka jirto nabad iyo xasilooni.

3: Iyadoo dib u xaqiijinaysa Baaqii Panmunjom [Panmunjom Declaration], Kuuriyadda Woqooyi waxay dib u qirtay inay iska dhigayso ayna burburineyso Hubkeeda Nuk-liyeer.

4: Mareykanka iyo Kuuriyadda Woqooyi ayaa waxaa ka go'an inay soo celinta maxaabiista ku maqan gacanta Kuuriyadda Woqooyi, ayna ku jiraan kuwii hore loo shaaciyay magacyadooda.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Kim uu aad ugu qanac-san yahay wax walba oo uu kala heshiiyey dhigiisa Trump, waxaana lagu qeexay inay ka go'an tahay inuu dhaqan geliyo.

"Ma hayan mid sahlan, wadadii loo soo marey Kulankan," ayuu yiri Kim.

Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa Kulanka Kim ku tilmaamay mid wax ku ool ah, isagoo shaaciyay in Mareykanka uu joojin doono dhoola-tusyada Ciidamadiisa kawadaan gacanka Kuuriya.

Labadda hogaamiye ayaa waxaa lagu sheegay Bayaanka ay soo saareen inay diyaar uyihiin inay kawada shaqeeyaan sidii Jaziirad la moodka Kuuriya unoqon doonaa mid nabad iyo Barwaaqo waarta hela.

Ugu dambeyn, qoraalka ayaa waxaa loogu mahad-celiyay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompeo, doorka wanagasan ee uu ku lahaa inuu xili hore qabsoomo kulankaan.

In ka badan 31,000 oo Askari ayaa Mareykanka ka jooga gacanka Kuuriya kuwaasi oo halkaasi loo geeyay inay difaacaan Xulufadiisa ay kamid tahay Kuuriyada Koonfureed, hadii weerar uga yimaada Kuuriyada Waqooyi.

Shirkaan ay wada yeesheen labadda masuul ayaa wuxuu soo gaba gabeynayaa colaad iyo xiisado muddo qarniyo oo ka dhaxeysa labadda dowladood, iyadoona amaanteeda ay leeyihiin Trump iyo Kim.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM