Muxuu ku saabsan yahay Shirka ONLF uga furmaya Eritrea?

Image

ASMARA - Shir caalami ah ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Khamiis ah uu uga furmo Magaaladda Asmara ee caasimadda wadanka Eritrea, hogaanka Jabhadda ONLF xilli Isbedel ay ka socdaan dalka Itoobiya oo dagaal ay kula jiraan.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay kamid yihiin isbedaladda uu la yimid Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo fursadha Jabhadan ka filankarto Xukuumadda cusub ee Addis Ababa, sida laga soo xigtay illo wareedyo.

Shirkan ay yeelanayaan madaxda ONLF, ayaa wuxuu imaanayaa maalmo un kadib markii dowladda Eritrea, ay Wafdiga u dirtay Itoobiya, taasoo bog cusub u furtay xiriirka labada dal, oo colaad ka dhaxaysay tan iyo 1998.

Mid kamid ah hogaanka ONLF oo u waramay Warbaahinta ayaa wuxuu xaqiijiyay in kulankaan sidoo kale looga hadli doono arrimo ku saabsan heshiis horudhac ah oo ay la galeen Itoobiya.

- Maxaa laga filan karaa kulanka? -

Mar sii horeysay, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu heshiis is-af garad ah uu la gaarey qaar kamid ah mucaaradka ugu waa weyn ee dalkiisa, isagoo u muuqday mid lasoo baxay Siyaasad ka duwan kuwa madaxdii isaga ka horeeyay.

Horey waxaa u jiray wada hadalo u socday Itoobiya iyo ONLF, kuwaasoo wajigiisa koowaad uu ka dhacay Kenya, qodobadii lagu heshiiyay ay kamid ahayd in Itoobiya ay soo deyso Maxaabiista u xiran ONLF ee ku jira Xabsiyadda waa weyn ee dalkeeda.

Wararka laga helayo Itoobiya waxay sheegayaan in Maxaabiista qaarkood lasoo sii daayey, inkasta oo ay wali harsan yihiin kuwa kale, waxaana shirkaan Asmara ka furaya lagu wadaa in arrintaan lagu faa'iqido.

Kulankaan maanta ka furmaya Asmara ayaa waxaa laga filayaa inay kasoo baxaan War-muriyeed, kaasoo lagu soo dhawaynayo Isbedalada Itoobiya ka dhacaya, inkasta oo ay ku adkeysan doonaa inay muhiim tahay in dadka Ogaadeen ay helaan Xorriyad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM