Rag kamid ah kooxdii ololaha doorashada Trump oo dacwad lagu oogey

Image

WASHINGTON - Ninka loo xilsaarey baaritaanada la xiriira saameynta wadanka Ruushka ku lahaa doorashadii dalka Mareykanka ka dhacdey Nov 8,2016 Robert S. Mueller III ayaa eedeyn u soo jeediyey sadex nin oo kamid ah Ragii olalaha kala shaqeynayey Madaxweyne Trump- waxaana kamid ah nin mar madax ka ahaa xafiiskiisa ololaha doorashada Paul Manafort- talaabadaan ayaa ka dhigeysa midii ugu horeysay ee lagu soo oogo eedeyn dambi shaqsiyaadka lagu tuhunsanaa iney qayb ka ahaayeen faragalintii la filayey in Moscow ku sameysay nidaamka doorasho ee dalka Mareykanka.

Eedeymaha kooxdaan lagu soo oogey ayaa taabanaya heerarka kala duwan ay ololaha doorashadii Madaxweyne Trump soo martey, xiriirka ay la leedahay iney jiraan lacago loo isticmaaley iyo kulamo dhexmarey Ragga doorashadaan ka shaqeynayey iyo saraakiil ka tirsan wadanka Ruushka. 

Mid kamid ah eedeymahaan ayaa waxaa kamid ah in nin ka tirsan sadexdaan qof uu warbixin khaldan siiyey baarayaasha FBI kadib markii la waydiiyey xiriirka uu la leeyahay xubno sare oo ka tirsan dalka Ruushka. 

Labada nin oo la kala yiraahdo Manafort iyo Rick Gates oo muddo xiriir ganacsi lahaa ayaa lagu soo oogey 12 dacwadood taasoo ay ku jirto eedeyn lamid ah in lacago dhaqayeen, in hadalo been ah u sheegeen saraakiisha baarista iyo in xiriir shaqo oo la talin ah siinayeen xisbi dalka Ukraine laga leeyahay kaasoo saaxiib la ah dalka Ruushka.

Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa damiin ku sii deysay Manafort iyo Gates ayaa wararku sheegayaan in la dhigtey lacag gaareysa 15 Milyan oo dollar.

Baaritaanadaan oo ay wadey hay'ada FBI ayaa labo jibaarmey kadib markii la magacaabey baaraha gaarka ah Mueller bishii May ee sanadkaan taasoo dhaawac xoogan u gaysatey maamulka Trump iyadoo dhinaca kale ku khasbtey Madaxweynaha inuu iska difaaco howsha Robert S. Mueller III gacanta ku hayo.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa u sheegey saxaafada in eedeymahaan aysan wax saameyn ah ku lehyn Madaxweyne Trump iyo maamulkiisa.

 

 

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM