Shacabka Burundi oo u codeynaya Afti mudada ku korarsanayo Nkurunziza

Image
Image

Shacabka dalka Burundi ayaa waxay maanta ka qayb-qaadan doonan coddeynta Afti-dadwayne taasoo uu doonayo Madaxweyne Pierre Nkurunziza inuu wax ka bedal uu ku sameeyo qodob kamid ah Dastuurka dalkaas.

Qodobkaan oo ah muda xileedka uu xafiiska sii joogayo Madaxweynaha ayaa hadii ay Shacabku u codeeyaan “Haa” wuxuu talada dalka sii hayn doonaa illaa iyo sanadka 2034, taasoo qolyaha mucaaradka ay kasoo horjeedaan.

Mucaaradka ayaa waxay ku doodayaan in Nkurunziza uu doonayo inuu xilka iska sii hayo, iyagoona ku goodiyay in natiijadda kasoo baxda Aftida ay gabi ahaanba Qaadici doonan, sababtuna waxay ku sheegeen inuu doonayo Madaxweyne inuu codadka ku shubto.

Aftidaan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo dalka guud ahaan ay ka jirto xiisada salka ku haysa arrintaan, islamarkaana lagu dilay maalmo ka hor qeyb kamid ah dalka in ka badan 20 qofood, kuwaasoo aan wali la caddeyn cida Khaarijisay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaalada dalka Burundi, iyadoona ka digtay inay faraha kasii baxdo xaalada, islamarkaana ay hor-seedo dagaal sokooye oo ka dhaca dalkaan ku yaala Bariga Afrika.

Burundi oo ah dal aan Bad lahayn ayaa waxaa mudooyinkii dambe xaaladiisu ahayd mid kacsan, tan iyo markii uu Madaxweyne Nkurunziza bilaabay olalale uu doonayo inuu xilka kusii hayo, taasoo keentay in dad badan la dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM