Shan arrimood oo ku saabsan weerarka lagu qaadey Suuriya

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTING - Mareykanka iyo xulufadiisa Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa maanta weeraray Suuriya iyagoo ka jawaabaya weerarkii Kiimikada ee dowladda Bashar Al Asad ku qaadey magaalada Douma, oo ku dhaw Caasimada Dimishiq.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu amray Ciidamada Mareykanka inay weerar ku qaadaan saldhigyo Ciidamada Suuriya ay leeyihiin, oo looga shakisan yahay in laga soo qaadey weerar Kiimiko ee Douma.

Waa maxay Hadafka weerarka Suuriya?

Sida uu sheegay Madaxweyne Trump, ujeedka weerarka Mareykanka iyo Xulufadiisa ku qaadeen Suuriya ayaa ah in la burburiyo goobaha lagu sameeyo Hubka wax gumaada iyo gantaallada Sunta Gaaska ah ee dowladda Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin in markale dowladda Suuriya ay Hubka Kiimikada u adeegsato shacabkeeda.

"7-dii bishan April, tobaneeyo rag, dumar iyo caruur isagu jira ayaa lagu xasuuqay Douma, iyadoo loo adegesaday Hubka Kiimikada, oo mamnuuc ka ah caalamka in dagaal loo isticmaalo," ayuu yiri Emmanuel Macron.

Imisa Gantaal ayaa lagu tuurey Suuriya?

Wasiirka Difaaca Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in 100 gantaal in ka badan hal mar lagu tuurey saldhigyo iyo goobo cayiman oo ku yaalla dalka Suuriya, gaar ahaan Galbeedka Homa iyo nawaaxiga Dimishiq.

Taliyaha Ciidamada Badda Mareykanka General Joseph Dunford ayaa xaqiijiyay in weerarka uu isagu jiray cirka iyo badda, balse uusan sheegi karin in gantaallada ay ku dhaceen halkii loola dan lahaa.

Dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa sheegay in ku dhawaad 30 gantaal lagu weeraray Suuriya, kuwaasi oo intooda badan hawada lagu qabtey, kadibna dhulka lasoo dhigay.

Waa noocee Gantaallada loo adeegsaday weerarka Suuriya?

Mareykanka ayaa u adeegsaday duqeymaha Suuriya Gantaallada loo yaqaano "Tomahawk cruise missiles" oo laga soo riday Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaal ee fadhiya Badaha Mediterranean iyo Red sea.

Ciidamada Ingriiska ayaa isticmaalay "Storm Shadow missiles" halka Faransiiskuna adeegsaday cruise missile.

Maxay yihiin Goobaha la bartilmaameedsaday?

Weerarka Mareykanka iyo Xulufadiisa ku qaadeen Suuriya ayaa la bartilmaameedsaday Warshado lagu sameeyo, laguna keydiyo Hubka wax gumaada ee "Chemical weopons" oo ku yaalla duleedka Dimishiq, Caasimadda Suuriya iyo meel ku dhaw magaalada Homs.

Waa maxay Jawaabta Ruushka?

Safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka, Anatoly Antonov  ayaa sheegay in ay ka go'an tahay Xukuumadda Moscow inay difaacdo Dowladda Suuriya, islamarkaana weerarka lagu qaaday ay ka bixin doonaan jawaab ku haboon.

Anatoly Antonov ayaa intaasi ku daray in Ruushka uusan gacmaha is-saaran doonin, oo soo ridi doono gantaal kasta oo lagu soo tuuro Suuriya, islamarkaana aqbali doonin in meel looga dhaco sharafta Madaxweyne Putin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM