"Shil" ka dhacay Twitter-ka xiisad ka dhex-abuuray Turkiga iyo Mareykanka

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa wuxuu u yeeray safiirka Ameerika kadib markii safaaradda Mareykanka ay "like-gareysay" fariin lasoo dhigay Twitter-ka.

Fariinta ayaa waxay sheegeysaa in Turkiga uu isku diyaarin karo isbedel siyaasadeed la'aanta hogaamiyaha Xisbiga Qaranka, kaasoo hadda "xanuunsan".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in Jeffrey Hovenier la su'aallay, wallow safaaradu like-gareysay "fariin aan la xiriirin" raali gelinna ay ka bixisay.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyey fariinta. Qaarkood ayaa leh "waa in hogaamiyaha Waddaniga ah ee Devlet Bahceli uu dhowaan dhiman doono".

Saxafi Turki ah lana doon-doonayo kaasoo lala xiriiriyo shabakadii ku fashilintay afgembigii dhicisoobay ee 2016-kii ayaa soo dhigay fariinta bartiisa.

Qoraalkaas ayaa maqaar-xanuun jiyey xisbiga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xulufadiisa. Mucaaradka ayaa ku tilmaamay "cay ka dhan ah baarlamaanka".

"Shilkan" ayaa wuxuu yimid iyadda oo xiriirka Turkiga iyo Mareykanka uu qodxo u yeelay siyaasadooda ku wajahan waddanka colaaduhu la dageen ee Suuriya.

Turkiga ayaa Washington ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn abuuritaanka Aag ay isaga caabiso falaagadda Kurdiyiinta. Ismaandhaafka ayaa ku qotoma Aag amni ah.

Erdogan ayaa wacad ku maray in uu sameyn doono farogelin aan xad lahayn, taasi oo uu xidahaha ugu siibayo dagaalameyaasha kooxda Kurdiyiinta.

Geesta kale, Erdogan iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bisha dambe ku kulmaya Washington, iyaga oo ka wada hadlaya xaalada Suuriya.

Wada hadalo dhanka telefoonka oo ay Axadii yeesheen ayay isku raaceen in ay laga fogaado wax kasta oo keeni kara fashil ku yimaada sameynta Aag ka caagan hubka.

Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu ciidamadiisa kala baxo qayb kamid ah Suuriya, talaabadaas waxaa cambaareeyay Kurdiyiinta oo ku dhaartay in ay is difaaci doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM