Trump iyo Kim John Un oo Kulan kale qorsheynaya

Image

NEW YORK - Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii shalay sheegay in maamulku uu qorsheynayo wareego labaad oo shir heer madaxweyne ah oo uu la qaato hogaamiyaha K. Woqooyi Kim Jong Un, kaas oo xilli dhow shaaca laga qaadi doono.

Aroortii Arbacada ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo uu sheegay in uu isagu qorsheynayo shir-madaxeedkan, kaas oo laga yaabo inuu dhaco ka dib bisha October.

Pompeo ayaa Khamiista maanta ah ka hor hadli doona Golaha Ammaanka ee QM, arrimo la xiriira baabi’inta hubka nuclearka ee K. Woqooyi.

Shir jaraa’id ee magaalada New York ku qabtay, hawlo garab socda kulamada Golaha Guud ee QM ayaa madaxweyne Tump uu diiday inuu xaddido xilli go’an oo K. Woqooyi ay hubkeeda nuclearka ku baabi’inayso.

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM