​Trump: Putin Wuu ka Hoggaan Wanaagsan Yahay Obama

Image

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ammaanay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo uu sheegay inuu ka hoggaan wanaagsan yahay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Isaga oo ka hadlayey kulan dadweyne oo uu qabtay taleefishinka NBC, ayaa Trump waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in haddii uu madaxweyne noqdo uu xiriir wanaagsan la yeelan doono Putin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Mareykanka ay leeyihiin dan isku mid oo ah inay ka adkaadaan kooxda Daacish.

“Russia waxa ay si xun u dooneysaa inay ka adkaato ISIS, si la mid ah sida aan u dooneyno” ayuu yiri Trump oo intaas ku daray in haddii xiriir wanaagsan ay le yeeshaan Russia ay si qarka ka tuuri karaan Daacish.

Donald Trump ayaa dhinac kalena ku celiyey fikirkiisa ah in Mareykanka uu qabsado goobaha saliidda laga soo saaro ee dalka Ciraq.

“Haddii aan qabsano goobaha saliida, ISIS ma jireyso, sababta oo ah ISIS waxa ay ku aas-aasantay awoodda iyo lacagta saliidda” ayuu yiri Donald Trump.

VOA

Related Articles

Dadkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu qabtay Howlgalka ICE ee Minnesota

Soomaalida Minnasota ayaa walaac ka muujiyay tarxiilka billowday iyo beegsiga uu Trump ku hayo, iyadoo arinta keeni karto dad badan.

  • Caalamka

    05-12-2025

  • 10:53AM

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka Jawaabay Hadalladii Trump xilli Howlgallo Socdaalka laga Bilaabayo Minnesota

Xamse ayaa yiri in dalalka uu Trump ka hadlay ay ka mid yihiin Nigeria, South Africa iyo kuwo…

  • Caalamka

    03-12-2025

  • 03:46PM