Weerar lagu qaadey goobaha laga soo saaro Saliida Sacuudiga

Image

Diyaarado Drones ah ayaa weerar duqeyn ah ku qaadey Goobo shidaalka laga soo saaro oo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga, kuwaasoo ay maamusho shirkadda laga leeyahay dalkaasi ee Armaco.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa xaqiijisay, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda Arrimaha gudaha in la duqeeyay labo meel oo Armaco saliida ugu badan kasoo saarto oo ku yaalla Abqaiq iyo Khurais.

Weerarka oo dhacay maanta oo sabti ah ayaa sababay inuu dab xoog leh qabsado xaruumaha saliida laga soo saaro, waxaana markii dambe ay dowladdu sheegtay in lagu guuleystay deminta dabka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ma aysan sheegin halka laga soo qaadey weerarka iyo cida fulisay, balse waxay tilmaantay inuu socdo baaritaan, waxaana sidoo kale ka gaabsatay ka hadalka khasaaraha duqeynta.

Muuqaallo baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinaya in qiiq iyo holac kasoo baxaya goobta ku taalla Abqaiq, iyadoo la maqlayay rasaas aan la ogeyn waxay tahay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Bilooyinkii dambe, Xuutiyiinta ka dagaalanta Yemen ayaa fulisay weeraro isdaba-joog ah oo ay ku bartilmaameedsatay xaruumo muhiim ah oo ku yaalla dalka Sacuuida, sida Garoomo diyaaradeed iyo ceelaal saliida laga qodo.

Xuutiyiinta gacan-saarka la leh Iran, ayaa weeraradooda Sacuudiga ku tilmaamay kuwa ay uga aar-gudanayaan duqeymaha ay xulada Sacuudiga ka wadaan dalka Yemen tan iyo March, 2015.

Bishii lasoo dhaafay, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay weerareen Shaybah , oo ah xarun Armaco kasoo saarto gaaska dabiiciga ah, oo ku taalla dalka Sacuudiga.

Armaco ayaa ku qeexday Abqaiq inay tahay meesha ugu ballaaran ee laga soo saaro saliida ceyriinka ugu badan caalamka, waxaana ay 60-KM Koonfur-galbeed uga began tahay gobolka Dhahran ee bariga dalkaasi dhaca.

Xaruntan ayaa mar hore sanadkii February 2006 Ururka Al-Qaacida isku dayay inuu weeraro, balse laga hortay rag isku soo xiray wlxaha qarxa oo doonayay inay qarxiyaan.

Goobta labaad Khurais waxay 160km u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Riyadh, halkaasi oo Armaco ay sheegtay inuu ku jiro keyd saliid oo lagu qiyaasay 20 bilyan oo Fuusto.

Weerarada goobahan muhiimka ah eek u yaalla Sacuudiga ayaa saameyn ku yeelanaya qiimaha saliida suuqyada caalamka, maadaama Sacuudiga uu yahay dalka ugu horeeya ee soo saara.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM