Dhimasho ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay Canada

Image

UTTAWA, Canada – Ugu yaraan saddex ruux ayaa dhimatay, afar kale waa la la'yahay ka gedaal markii Waqooyi-Bari dalka Canada ay Tadaaladii ku burburtay diyaarad nooca harooyinka iyo webiyadda dul-sabeys ah.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, wadar ahaan todoba ruux oo saarneyd diyaaradda ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen shaqaale oo uu ku jiro duuliyaha, afarta kalena ay ahaayeen rakaab.

Nooca diyaaradda oo kusoo dhacday degaanka Labrador ee gobolka Newfoundland ayaa lagu sheegay Havilland DHC-2 Beaver, taasi oo ay lahayd shirkadda Air Saguenay oo fadhigeedu yahay Quebec.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka shirkadda Air Saguenay ayaa waxaa tacsi loo diray eheladda dadka geeriyooday.

Illaa iyo haatan lama xaqiijin karo sababta keentay burburka diyaaradda, balse baaritaan ayaa lasoo warinayaa in uu ku socdo.

Si lamid ah baadigoobka shaqsiyaadka raq iyo ruux lagu la'yahay ayaa socda, sida ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah.

Dadka saarnaa diyaaradda burburtay oo ku maqnaa jilaabashada kaluun ayaa la filayey in ay kasoo degaan harada Crossroads, halkaasi oo ay ku yaaliin saddex webbi oo laga jilaabto kalluunka.

Marka la joogo wadamada horumaray iyo qaar kamida kuwa soo koraya, inta badan diyaaradaha dul-sabeeya biyaha ayaa loo adeegsadaa dabashada kalluunka webiyadda iyo harooyinka, wallow howlo loo isticmaali karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM