Dowladda Canada oo xabsiga kasii deysay shaqsi Soomaali ah

Image

TORONTO, Canada – Dowladda Canada ayaa waxay xorriyadiisa dib ugu celisay muwaadin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi ku yaala magaaladda Edmonton.

Cabdullaahi Cilmi ayaa waxa uu xabsi ku jiray muddo lix bilood, isaga oo loo heystay dacwaddo kala duwan.

34-sano jirkan isaga oo caruur ah qaxooti ahaan ku galay dalkaas ayaa loo haystay weerar uu geystay iyo kiisas kale oo aan wali xal laga gaarin.

Sii deynta Cilmi ayaa timid ka gedaal markii uu dhowaan ka badbaaday in gebi ahaanba waddankaas laga soo musaafuriyo.

Badbaadadiisa ayaa ka dambeysay markii Qaramadda Midoobay ay ka dhaacisay dowladda Canadda in ay laasho tarxiilkaas.

Cabdullaahi ayaa waxaa lagu wadday in laga dejiyay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland.

Canada ayuu galay isaga oo 15-sano jir ah. Balse, markii muddo uu ku jiray xarun caruurta lagu xanaaneeyo ayuu kasoo baxay, taasi oo ka dhigtay darbi jiif.

Muddo uu xaaladaas ku noolaa waxay ku qasabtay in uu dhibaatooyin geysto oo isugu jira weeraro taasi oo uu ku waayey dhalashadda.

Sikastaba ha ahaatee, qareenadiisa ayaa haatan waxay ka shaqeynayaa sidii uu u heli lahaa joogitaan joogto maadaama haatan dacwad kale lagu furi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM