Ingiriiska oo baaraya shirkadda Soma Oil

Image

August 1 (GO)-Dowladda Ingiriiska ayaa baaraysa falal musuqmaasuq oo lala xiriiranayo shirkada shidaalka ee Soma taas oo heshiis kula jirta Wasaaradda Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska baaridda falalka wax isdabamarinta ee SFO ayaa baaritaan dembiyeed ku bilaabay xafiisyadda shirkada (Soma Oil and Gas), waxaana Arbacadi baaritaan lagu sameeyay xarunteeda weyn ee London.

“Xafiiska baaritada musuqmaasuqa daran ee (SFO) waxa uu maanta furay baaritaan dambiyeed musuqmaasuq oo la aaminsanyahay in Shirkadda shidaalka ee Soma ay ka samaysay gudaha Somalia,” sidaasi waxa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay SFO shalay.

Hase yeeshe saraakiisha shidaalka ee Soma ayaa ku adkaysanaya inay kalsooni qabaan isla markaana ay la shaqaynayaan xafiiska baaritaanka musuqmaasuqa wadda.

“Shirkadda shidaalka ee Soma waxay inta badan u fulisa waxqabadkeeda si nadiif ah oo sharciyaysan, waxayna rajaynaysaa in mustaqbalka dhow la xaliyo arrintan shakiga dhalisay,” Shirkada ayaa maanta oo sabti ah shaacisay.

Ilo diblomaasiyadeed oo Nairobi ku sugan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Kooxda Dabagalka cunaqabatayta hubka ee saaran Somalia ay indhoweyd baarayeen howlaha shirkada Soma, iyagoo diiradda saarayay ‘heshiiska kobcinta tayadda shaqaalaha’ ee ay la gashay Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee Soomaaliya.

Soma ayaa bishii 4-aad ee sanadkan ka sheegtay bandhig ay ka soo qaybgaleen maalgashadayaasha saliida in heshiiskan looga gol leeyahay taageeridda mushaharaadka shaqaalaha wasaaradda, khabiiradda wasaarada iyo qalabaynta xafiisyadda.

Soma ayaa sanadkii 2013 qandaraas ku qaadatay sahaminta 12 xayndaab oo badda ah lana aaminsanyahay in saliidi ku jirto, iyadoo loo madaxbaneeneyay Soma inay sahamiso goobaha kale ee ay isleedahay waa u muhiim hanaanka baarida shidaalka Soomaalia.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hadda ah wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya, horayna u soo noqday Wasiirka Khayraadka ayaa sheegay inay layaab ku noqotay baaritaanka lagu samaynayo shirkadda (Soma Oil and Gas).

“Waxa uu ahaa heshiis nadiif u ah Soomalia, ma garayo sida uu baaritaanku ku yimi iyo nooca musuqmaasuqa aan ka hadlayno,” Reuters ayuu sidaas u sheegay.

Soma ayaa waxa gudoomiya Michael Howard oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Britain, horayna madax uga soo noqday xisbiga u janjeera diinta ee uu hogaamiyo Ra’isulwasaaraha Ingiriiska David Cameron.

“Xafiiska baaritaanka dembiyadda daran ee Musuqmaasuqa (SFO) waxa uu xaqiijiyay inaan laga shakisanayn Mudane Howard arrimo la xariira ganacsiga SOMA iyo doorkiisa hogaaminta aan tooska ahayn ee shirkadda. Waxa uu la hadlay baarayaasha SFO, isagoo ka caawinaya xog raadinta sida ugu macquulsan uguna dhakhsaha badan,” afhayeen u hadlay Soma ayaa yiri xili uu hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Howard shakhsi ahaan lama heli Karin si looga waraysto baaritaankan soo cusboonaaday. 

GAROWE ONLINE + Wakaaladda Wararka ee Reuters 

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM