Diyaaradaha Ethiopia oo duqeeyey saldhigyadda Al Shabaab

Image

August 1 (GO)-Dowladda Ethiopia ayaa bilawday inay hawadda ka duqayso saldhigyadda Al Shabaab ee ku yaala Gobolka Bay ee Koonfurta Somalia sida ay xaqiijiyeen illo ciidan iyo dadka deegaanka.

Ethiopia oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia ayaa markii ugu horaysay adeegsanaysa diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay dhul muhiim ah oo ku yaala Koonfur-Galbeed Somalia uga saarto dagaalyahanadda Al Shabaab.

Dadka degan degmadda Buurhakabba ee gobolka Bay ayaa maalinti Jimcaha sheegay in diyaaradda dagaalka Ethiopia oo ku duulaya joog hoose duqeeyen gaadiid dagaal oo Al Shabaab leeyihiin iyo dhul kaymo ah.

Khasaaraha ka dhashay lama oga ilaa hadda sababo la xiriira adkaanshaha helidda xogta kooxda lagu hareeraysanyahay ee Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqayn cirka ah u gaystay si ay uga aargoostaan falal xagjirnimo oo xuduud ka talaabid ah.

Ciidamadda Somalia iyo kuwa Ethiopia ayaa dhul badan ka xoreeyay dagaalyahanadda Shabaab.

Asbuuc ka hor, toban qof oo rayid ah ayaa dhintay ka dib markii diyaarad aan la aqoon ay gantaal la eegatay gaari ay saarnaayeen.

Ciidamadda Ethiopia ayaa soo galay Somalia bishii 12-aad ee 2006, waxay ka bexeen bishii koowaad 2009, hase yeeshe waxay dib ugu soo noqdeen goboladda xuduuda-Gedo, Hiiraan, Bay iyo Bakool-bilawgii 2012 si ay u taageeraan hawlgalka xasilinta dalka Somalia kasoo lagu tageerayo dowlada Federaalka ah.. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM