Agaasimaha TV iyo Idaacada Puntland oo dil ka badbaadey

Image

BOSASO, Puntland Sept 2, 2014 (GO)- Waxaa isku day in lagu khaarajinayo ka badbaadey galabta casarkii Agaasimaha cusub ee Talafishinka iyo Idaacada Puntland Cabdifatax Nuur Ashkir kadib markii qarax lagula beegsadey meel ku dhow magaalada Bossaso.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Cabdifatax Nuur Ashkir isaga oo maraya halka loo yaqaan Meer-Meerka oo ku taal wadada isku-xirta Garowe iyo Bosaso uu qarax la kulmey iyadoo wararku xusayaan in gaarigiisu ka badbaadey balse rasaas xoogan lala beegsadey kadib.

Ashkir oo gaargiisu khasaare badan soo gaarey ayaa wararku sheegayaan inuu nabad qab ku tagey Bossaso.

Wadada u dhexeysa magaalada Garowe iyo Bossaso ayaa wayadaan dambe la oran karaa mid amaankeeda faraha ka sii baxayo iyadoo halkaas bartilmaameedyo toos ah loogu gaysto saraakiisha dowlada.

Bishii la soo dhaafey waxa weerar lagu dili lahaa ka badbaadey Guddomiyaha ciidamada Puntland Cabdifatah Xaaji Aadan kadib markii loo galey wadada isku xirta magaalada Garowe iyo Bosaso.

Wadada isku xirta Bosaso iyo Garowe ayaa sanadkaan horaantiisa lagu diley saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Dowladda Puntland oo la kufaa dhaceysa bixinta mushahar ciidamada amniga ayaa gabi ahaanba isku taxalujin ilaalinta amaanka wadada isku xirta magaalada Bosaso iyo Garowe.

Weerarada kooxaha Al Shabaab oo ku dhuumaleysata buuraha Golis ayaa sii  kordhay tan iyo intii uu xilka ka qabtey Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Dhinaca kale ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaal ayaa wada weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo kamid ah gobolada Shabeelada Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Dowlada Puntland ayaa gabi ahaanba war kasoo saarin khataraha amni oo ka imaan kara koxaha firxadka ah kuwaasoo ka imaanaya deagaanada ciidamada AMISOM weerarada ku qaadeen. 

GAROWEONLINE  

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM