Baarlamanka Puntland oo ansixiyay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah [Daawo]

Puntland
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

GAROWE, Puntland - Xubnaha Gollaha Wakiilada dowlada Puntland ayaa fadhi ka tirsan Kal-fadhigada 1aad maanta oo Sabti ah waxay ku yeeshay xaruntooda magaalada Garowe, caasimad goboleedka Nugaal.

Cabdixakiin Dhooba Daarood, Afhayeenka Gollaha Shacabka PL, ayaa shir gudoominayey kulanka xili ay ku wehliyeen labadiisa ku xigeen oo garab fadhiya, kuwaasi oo shir gudoonka qayb ka ahaa.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista iyo meel-marinta soo jeedin ka timid mudanayaal taasi oo ku saabsaneed hirgelinta nidaamka dimoqraadiyada iyo doorasho qof iyo cod ah, shan sano kadib.

Dood dheer kadib, sharci-dejiyaasha ayaa cod u qaadan Hindisaha, kaasi oo ay ogolaadeen ansixintiisa 43 mudane, halka ay kasoo horjeesteen 2 kale, iyadda oo ay ka aamuseen 3 Xildhibaan.

Tani oo ah talaabo horey loo qaadey ayaa muujineysa in Baarlamaanka cusub ee Puntland ay ka go’an tahay isbedal ku yimaada hanaanka doorasho oo ay Puntland kusoo jirtay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hirgelinta nidaamka dimoqraadiyada iyo doorasho qof iyo cod ah ayaa kamid ah Halbeegyada ugu horeeya ee Saciid Cabdullaahi Deni, madaxwaynaha cusub, kaasi oo balanqaaday inuu dib u soo celinayo maqaamkii Puntland.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey