Barlamanka Puntland oo eryey gudoomiye Shire, Maxaa xigga?

Image

Barlamanka Puntland oo kalfadhigiisa 36aad furmey 25 October,2015 ayaa xildhibaano gaaraya 40 waxey mooshin xilka looga qaadayo ka keeneen Gudoomiyaha aqalka wakiilada Siciid xasan Shire.

Mooshinkaan oo habeenimadii tariikhda aheyd 27 October,2015 sixiixeen xildhibano gaaraya 40 ayaa waxey sababtey in Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire subaxnimadii 28 Oct,2015 gurigiisa isku casilo kadib markii ciidamo kala wareegeen xaruntii golaha shacabka ee ku taal magaalo madaxda Puntland ee Garowe. 

Warsidaha Garowe Online oo isku taxaluujiye inuu wax ka ogaado siyaasada ka dambeysay xil ka qaadita Gudoomiyaha Barlamanka ayaa fahansan in xildhibandii saxiixey mooshinkaan ka tirsanayeen sadex qolo kuwasoo kala ahaa;

1-Xildhibaano tageersan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas

2- Xildhibaano tageersan madaxweyne ku-xigeenka Puntland, iyo 

3- Xildhibaano mucaarad ku ah xukuumada madaxweyne Gaas.

Warbixintan ayaa sheegeysa in fikirka xilka looga xayubinayo Gudoomiyaha barlamanka Puntland hurmuud ka ahaayeen xildhibanaada ka socda madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa kuwasoo ku qanciyey xubnaha mucaaradka ah in mooshinkaan tageeraan.

Hadaba xildhibaanada tageersan xukuumada madaxweynaha Cabdilweli Maxamad Maxamad Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa horjoogayaal u ahaa labada ku-xigeen ee gudoomiyaha Barlamanka Puntland kuwasoo fikirka mooshinka ka dhanka ah Siciid Xasan Shire dabada ka riixayey.

Awood badan

Siciid Xasan oo xilka gudoomiyaha Barlamanka Puntland ku guuleystey doorashadii ka dhacdey Puntland Jan 8,2014 ayaa tan iyo intii uu xilkaan qabtey waxaa soo kordhayey cabashooyinka xildhibanada ka muujinayeen qaabkiisa shaqo iyo dabeecdaha hogaaminta golaha isaga dhinaca kale lagu eedeynayey inuu raadinayo awoodo ka baxsan kuwa dastuurku siinayo.

Gudomiyahii hore ee Barlamanka Siciid Xasan Shire ayaa xukuumada madaxweyne Cabdiwlei Maxamad Gaas dhinaca kale cadaadis xoogan ku saarey iney aqoonsato inuu yahay qofka labaad ee ugu awooda badan Puntland taasoo sababtey inuu waayo inta badan kalsoonida xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn.

Madaxweyne Cabdiwlei Cali Gaas oo fashilaad xoogan kala kulmey inta uu talada Puntland hayey arrimaha dhaqaalaha, amaanka, siyaasada Federaalka  iyo guud ahaan hogaaminta dalka ayaa baahi weyn u qabey in Gudoonka Barlamanka noqdo mid indha-ha ka daboosha cabashooyinka ka imaanaya shacabka islamarkaana xildhibanada cadaadis ku saara ineysan keenin mooshino ka dhan ah xukuumadiisa tabarta daran.

Baahidaas joogtada ah ee xukuumada madaxweyne Gaas u qabtey aamusnaanta Barlamanka ayaa sababtey inuu jiro gorgortan joogta ah u dhexeeya gudoomiye Siciid Xasan Shire iyo madaxweyne Gaas kaasoo dhaqaale farabadan kaga baxayey xafiiska madaxtooyada.

Xogtaan ayaa tibaaxeysa in kulamadii ugu dambeeyey ee madaxweynaha Puntland iyo gudoomiyihii hore Siciid Xasan Shire ahaayeen kuwa xasaasi ah kadib markii afhayeenka aqalka wakiilada codsiyo dhaqaale ee baaxad weyn u soo gudbiyey aqalka madaxtooyada.

Gudoomiyahii hore ee Barlamanka Siciid Xasan Shire oo cadaadis xoogan saarey xildhibanada ineysan su'aalo waydiin madaxweynaha Puntland furitaanka kalfadhiga 36aad isagoo oo shafka u dhigtey inta badan falaarihii ku socdey waxqabad la'aanta xukuumada Gaas ayaa wararku sheegayaan in hadana hoos ka socotey qorshe xilka lagaga tuurayo.

Xogogaal ku dhow madaxtoyada Puntand ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in kulan dhexmarey madaxweynaha Puntland iyo gudoomiyihii hore Barlamanka habeenimadii 26 October,2015 uu Siciid Xasan Shire waydiiyey Mudane Gaas inuu jiro mooshin ka dhan ah. Warkaan ayaa xusaya in madaxweynaha Puntland uusan diidin shakiga Gudoomiyihii hore ee ahaa inuu jiro mooshin ka dhan ah  balse kaga jawaabey in hadii is-casilo uusan xil ka waayeen xukuumadiisa.

Madaxweyne k-xigeenka iyo tageerayaashiisa

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sababaha xildhibanada taageersan ugu biireen qorshaha xil ka qaadista Siciid Xasan Shire ayaa salka ku haysay iney careysnaayeen in gudoomiyaha Barlamanka la wareegey awoodihii dastuuriga ah ee ku-xigeenka.

Xiriirka u dhexeeya madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo madaxweyne Gaas ayaa wanaagsaneyn mudooyinki u dambeeyey kadib markii awoodihii dastuuriga ah ee uu laha ameesha ka baxeen.

Qorshaha madaxweyen Gaas ee gudoomiyaha cusub

Madaxweynaha Puntland iyo xulafadiisa siyaasadiisa ayaa qorsheynaya in gudoomiyaha Barlamanka noqdo nin uga fiican Siciid Xasan islamarkaana uga kharash yar marka la daboolayo fashilka xukuumada mudane Gaas.

Halka dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka raadinayo in kusoo baxo gudoomiye aan awoodo badan ka raadineyn xafiiska madaxweynaha.

Xidhibaanada Puntland oo ku eedeyey gudoomiyihii hore inuu si buuxda ugu milmey ayaa waxaa xujada uga balaaran ee haysata tahay iney soo saarin gudoomiye iska leh sifooyinkii gudoomiyihii xilka laga qaadey.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM