Bosaso: amniga oo soo xumaanaya, ciidamo boolis ah oo bam lagu tuurey

Image

March 2, 2015 (GO)- Bam gacmeed ayaa caawa lagu tuuray ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee habeenkii roondada ka sameeya magaalada Bosaso.

Ciidamada la weerarey ayaa ku sugnaa bar-kantarool oo ku taalla afaafka hore ee xarunta dowladda hoose ee degmada. Qaraxa ka dhashay bamkaas cidna wax khasaare ahi kama soo gaarin.

Afar maalmood ayaa laga joogaa markii dabley hubeysni soo weerartey guriga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

Weerarkaas waxaa ku dhintey hal askari oo ilaalada guddoomiyaha ka tirsanaa mid kalena wuu ku dhaawacmey.

Ammaanka oo faraha kasii baxaya!

Ammaanka magaalada Bosaso ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabi bishii January ee sanadkan 2015, waxaana jirta cabsi xooggan oo dadku qabaan.

Weerarrada qorsheysan ee lagu soo qaadayo fariisimaha ciidamada ammaanka iyo guryaha mas'uuliyiinta dowladda ayaa kordhey, arrintaasoo ku cusub magaalada Bosaso iyo guud ahaan Puntland.

Jan 15, 2015 dabley ku hubeysan bam gacmeedyo iyo qoryaha daran doorriga u dhaca ayaa soo weerarey fariisin ciidamada boolisku habeenkii ka sameystaan isgoyska afar-irdoodka ee ku dhow Hotel Ramada. Weerarkaas waxaa lagu diley hal askari mid kalena waa lagu dhaawacey.

February 3, 2015 waxaa weerar qorsheysan lagu soo qaadey saldhigga booliska Baalade ee ku yaalla xaafadda New Bosaso. Weerarkaas waxaa ku dhintey hal askari waxaa sidoo kale lagu gubey labo gaari oo midkood boolisku lahaayeen.

February 7, 2015 weerar kale ayaa lagu soo qaadey bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada taliye ku-xigeenka booliska Puntland. Weerarkaas waxaa isna ku dhintey hal askari shan kalena way ku dhaawacmeen, waxaa sidoo kale weerarka ku dhintey labo kamid ah kooxdii duullaanka soo qaadey saddex kalena gacanta ayaa lagu dhigey kadib markii gaari ay ku baxsadeeni kula rogmadey jidka soddonka.

Feb 26,2015 waxaa la weeraray hoyga uu magaalada Bosaso ka deggen yahay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo ku yaalla xaafadda New Bosaso. Askari ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha ayaa lagu diley weerarkaas mid kalena waa lagu dhaawacey.

Dhammaan weerarradaas waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab oo fariisimo ku leh buuraleyda Golis.

GARWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM