Bosaso: buundada Labo-wanley oo dayactir lagu sameeyey

Image
Image
Image

April 26, 2015 (GO)- Buundada Labo-wanley oo qiyaastii 40km magaalada Bosaso waqooyiga kaga beegan ayaa shalay xarigga laga jaray, kadib dayactir ballaaran oo lagu sameeyey.

Buundadan oo ay horay u burburiyeen roobabkii Deyrtu waxaa dhistey hay'adda waddooyinka Puntland, waxaana ku baxay dhaqaale gaaraya boqol kun oo doolar.

Munaasabadii buundada xarigga looga jarayey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tiran oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Gallan, Duqa Boosaaso Xaasn Cabdallah Xasan iyo ku-xigeenka agaasimaha hay'adda waddooyinka Puntland Maxamuud Cali Guray.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Puntland Maxamuud Cali Guray oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha buundada Labo-wanley uu qayb ka yahay hawlaha muhiimka ah ee Hay’ada PHA u hayso umada reer Puntland.

"mashruucan ballaaran waxaan shaqadiisa bilownay bilowgii bishii December, iyadoo halkan ay burburiyeen daadadku...waqtigaas ayaan bilownay mashruucan ay noo gebagabaysay shirkadda Al-Baashi" ayuu yiri.

Gurey  ayaa dhanka kale sheegay in Hay’adda Waddooyinka Puntland ay ku shaqo leedahay wixii ka baxsan Kaantaroolada Magaalooyinka,hasa yeeshe loo baahan yahay wixii gudaha magaalooyinka ah inay xil iska saaraan Maamulada degmooyinku.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa ku boorriyey hay'adda jidadka Puntland inay dayactirto buundoyinka kale ee u baahan dhismaha.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa isna si wayn usoo dhoweeyay dayartirka lagu sameeyey buundada isagoo si weyn ugu mahad celiyey Hay’adda Waddooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM