Calanka Somalia oo laga xusey magaalo madaxda Garowe

Image
Image
Image

October 12, 2014 (GO)- Munaasibad lagu xusayo calanka baluuga ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay maanta oo Axad ah xarunta Jaamacadda Bariga Africa Garowe.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ku xigeenkiisa Egn.Camay iyo Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa ka qayb galay xuska calanka Somalia.

Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay calanka sharafta leh ee Somaliya uu mudan yahay in la xuso oo la ixtiraamo dadkii usoo halgamay, wuxuna sheegay inuu ka mid yahay dhaxalka dalka.

''Calanka waxaa sameeyay Maxamed Cawaale Liibaan, heesta waxaa alifay Xuseen Ow-Faarax waxaana ku luuqeeyay Cabdilaahi Qarshe, marka saddex-daba way geeriyoodeen waana ixtiraamaynaa, laakiin Calanka iyo heesta ay nooga tageen waa dhaxal ka ab ka ab''.

Madaxwaynaha Puntlad Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay maanta inay muhiimad gaar ah u lee daahaya maadama ku beegan tahay 12 October 1954 xiligaasoo la sameeyay calanka baluuga ah ee dhexda ku leh shanta xidig, wuxuna shacabka ugu baaqay inay mudnaan gaar ah siiyaan meesha ay ku arkaan calankaasi.

Muqdisho oo ah xarunta dalka ayaa laga xusaa sanad kasta maanta oo kale iyadoona lagu soo bandhigo taariikhda calanka iyo dadkii halganka usoo galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM