Camey oo eedeyn u jeediyey Xukuumadii hore ee Puntland

Image

January 06, 2014 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Camey oo waraysi gaar ah siiyey telefishinka Somali Chanel ayaa eedeymo badan u jeediyey dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole hogaaminayey. 

Wereysiga ayuu dhinaca kale kusoo hadal qaaday arinta maamulka Khaatumo, moqfika isagu shaqsi ahaan ka taagan yahay, sida uu yahay xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha iyo weliba xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn.


Mushahar la'aanta shaqaalaha:

Madaxweyne ku-xigeenka oo wax laga weydiiyey mushahar la'aanta ay ka cabanayaan shaqaalaha dowladu wuxuu ku eedeeyey dowladii hore in deyn badan oo malaayiin doolar ah ka tagtay.

Camey oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyey in dowladu dadaal badan u gashay sidii ay u maareyn lahayd bixinta deymaha iyo mushaharaadka iyadoo la beekhaaminayo miisaaniyada taasina tahay sababta keentay in mushaharaadka shaqaaluhu dhowr bilood baaqdaan.

"markii anagu aan xukunka qabsanay waxaan bedelney dowlad kow iyo toban bilood, labo iyo toban bilood, toban bilood aan mushahar bixin...wax dhaqaale ah oo aan dalka ugu nimid deyn mooyaane ma jiro" Camey ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dhaqaalaha dowlada kasoo gala dekeda magaalada Bosaso xilligan yahay mid xadidan marka loo barbar dhigo xiligii dowladii hore, sababtana wuxuu ku sheegay in xilligaas dekedaha magaalada Muqdisho iyo Kismaayo xirnaayeen, badeecooyinka dalka yimaada intooda badanna dekeda Bosaso laga soo dejin jirey.

Garowe Online ayaa fahansan in dowladu sanadkan gashay deymo badan kuwaasoo intooda badan laga galay shaqsiyaad gaar ah iyo shirkado ganacsi.


Xiriirka Camey iyo Gaas:

Iyadoo la wada ogsoon yahay in sanadkii hore dhowr mar Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland khilaaf soo kala dhex galay, wuxuu mar wax laga weydiiyey sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan.

Dhanka kale mar la weydiiyey sida uu yahay xiriirka ka dhexeeya isaga iyo xildhibaanada Barlamanka Puntland gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn, wuxuu sheegay inuu fiican yahay isku aragtina ka yihiin arimo badan.

Camey iyo xildhibaanada ay isku deegaanka kasoo jeedaan ayaa isku khilaafsan arimo ay kamid yihiin qaabka loo wajahayo arinta maamulka Khaatumo iyo weliba soo celinta deegaanada maqan.


Khaatumada xun ma ihi!

Mar la weydiiyey mowqifkiisa ku aadan maamulka Khaatumo, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu sheegay inay jiraan labo Khaatumo oo kala ah Khaatumada xun iyo Khaatumada fiican, isaguna uu yahay tan fiican.

Su'aal kale oo ahayd waa tuma Khaatumada fiican? Wuxuu kaga jawaabey inay tahay mid Puntland taageersan laakiin qabta tabasho, diyaarna u ah in tabashadeeda miiska wada hadalka lagu xaliyo.

Eedeymaha dhaqaale ee xukuumada Gaas ayaa kusoo aadaya sanad kadib markii la doortay xukuumada madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM