Ciidamada Puntland oo Howlgal magac cusub loo bixiyay ka billaaabey Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Ciidamada amniga dowladda Puntland ayaa maanta howlgal loogu magac-daray “Caa’isha maxaay galabsatay” ka billaabey gudaha magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada oo isagu jira boolis iyo Daraawiish ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo taliye ku xigeenka booliska Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka yimid degaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa saaka soo gaarey waqooyiga Gaalkacyo, hlkaaasi oo maalmo kahor uu ka dhacay fal kufsi iyo dil ah, oo loo geystay Gabar 12 jir ahayd, oo lagu magacaabi jiray Caa'isha Ilyaad Aadan.

Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen, Taliyaha Daraawiishta Puntland

Ujeedka ciidamada loo geeyay magaaladda ayaa ah inay wax ka qabtaan falalka amni darro ee kusoo kordhay halkaasi, iyadoo wali lagu raad-joogo raggii kufsiga iyo dilka u geystay Caa'isha Ilyaas.

Dibadbaxyo labo maalmood socday ayaa ka dhacay Gaalkacyo, kuwaasoo looga soo horjeeday Kufsiga kusoo kordhaya magaaladda, islamarkaana dowladda Puntland looga dalbaday inay cadaaladda soo taagto kuwa falalkan ku kacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM