Ciidamada Somaliland oo la wareegay Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Ciidamada Somaliland ayaa saaka aroortii la wareegay gacan ku haynta Tuulada Tukaraq oo qiyaastii 86KM u jirta magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in la wareegista ay timid kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen Tuulada oo horey ay u joogeen ciidamada Puntland.

Dagaal kooban ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu halkaas ku dhexmaray, inkastoo markii dambe ay u suurta gashay ciidamada Somaliland inay si buuxda gacanta ugu dhigaan Tukaraq.

Tuulada Tukaraq oo hoos timaada degmada Laascaanood ayaa waxay aheyd meel ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, oo horeyna dhowr jeer ugu dhexmaray dagaallo khasaaro sababay.

Qabsashada Tukaraq ayaa imaaneysa xilli magalada Garoowe ku sugan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay uga billaabatay deegaanada Puntland booqasho maalmo qaadanaysa.

Warar hoose oo Warsidaha GO soo gaarey ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta iyo Odayasha Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kasoo jeeda ay xalay la kulmeen Madaxweynaha, iyagoo ka codsaday inuu booqdo Tukaraq iyo degaano kale oo ku dhaw.

Wali dowladda Puntland kama aysan hadlin la wareegista Tukaraq.

Wixii kusoo kordha la wareegista Tukaraq kala soco wararkeena dambe

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM