Covid-19: Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey 194 maxbuus

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis u fidiyey 194 maxbuus oo ku xiran gebi ahaanba xabsiyadda Puntland, sidda ay maanta ku dhawaaqdey Wasaaradda Cadaaladda.

Cafiskan madaxweyne ayaa la xiriira ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona, sidda uu warbaahinta maxaliga ah u sheegay Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka wasaaradaas.

Mr Xaamud oo "arrin farxad leh oo mudan lagu farxo" ku qeexay go'aankaas ayaa ku nuux-nuux sadey in uu soo baxay maanta, oo ay taariikhdu ku asteysan tahay 14-ka bisha April, 2020-ka.

Sidda uu ka dhawaajiyey wasiirka, maxaabiista la cafiyey ayaa ah kuwa kaliya u xiran dambiyadda fud-fud "si loo yareeyo ciriiriga ka jira xabsiyadda".

Degaanada maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa nan laga soo warin xaalado la xiriira Covid-19, balse waxaa laga waayey dad laga baarey markii ay kasoo laabteen safar dibada ah.

Xabsiyadda ayaa lagu waramay in ay kamid yihiin meelaha aad ugu nugul in uu ku faafo cudurka, kuna dilo maxaabiista, maadaama isu-imaatinka iyo isu soo dhowaanshiyaha ay ku badan yihiin.

Wadamada caalamka ayaa waxaa laga xaqiijiyey in maxaabiis badan uu galaaftay xanuunkaan aan wali daawada loo helin.

Coronavirus oo bishii December, 2019-kii ka dilaacay magaalada bartamaha waddanka Shiinaha ku taala ee Wuhan ayaa ku dhacay in ka badan 1.8 milyan oo ruux; tirro ka badan 100-kuna uu wuu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM