Dagaal ka dhacey degaanka Qoriley iyo magacley ee Sool, Nugaal

Image

Sept 29, 2015 (GO)- Dagaal la isku adeegsadey hubka waaweyn ayaa saaka ka dhacey degaanka Qoriley iyo Magacley halaaskoo horey dirir ugu dhexmartey labo beelood oo walaalo ah oo wada daga dhul daaqsimeed u dhexeeya Sool iyo Nugaal.

Dadka degaanka ayaa maqlayey daryanka rasaasta iyadoo wararku sheegayaan in dhinacyada dirirey adeegsanayeen hubka Tiknikada ah.

Lama oga khasaaraha halkaas ka dhacey balse wararka ayaa sheegsaya iney dhimasho iyo dhaawac jiro dhinacayada dirirey.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili magaada Burtinle uu ku sugan yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo kuwasoo halkaas u tagey sidii loo joojin lahaa colaada degaanadaas kasoo cusboonaatey.

Wararka ka imaanaya Buurtinle ayaa sheegaya in madaxweyne ku-xigeenka Puntland uusan tagin degaanada dagaalku ka dhacey weli islamarkaana islamarkaan weli ku sugan yahay magaalada Buurtinle.

Garowe Online ayaa weli idinla soo socodsiin doona kahsaaraha dagaalkaas nasiib darada ah ee dhexmaraya beelaha walaalaha ee ku dagalamaya degaanadaas.

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM