Dagaal ka socda buuraleyda Golis, Xukumada Gaas oo ka maqan Bosaso

Image

Jan 5,2015 [GO]- Ciidamada amaanka Puntland oo maalmahaan ka wadey howlgalo deeganada ku dhow buuraleyda Golis ayaa dagaal xoogan maanta ku qabsadey goob la yiraahdo Diindigle oo 37km u jirta tuulada Galgala.

Goobta la yiraahdo Diindigle oo ku taal dhulka buuraleyda ah ee fog ayaa wararku sheegayaan in ciidamada amaanka Puntland dagaalkaan kaga dhimatey labo Askari halka dhaawaca lagu sheegayo inuu gaarayo Afar qof.

Wararka Warsidaha GO ka helayo xaalada goobta dagaalka ka dhacey ayaa sheegeysa in ciidamada amniga Puntland gacanta ku dhigeen goobtaas iyada oo xaalada cimilo ee dhulkaas buuraleyda tahay mid  aad qalafsan dhinaca jidadka iyo cimiladaba.

"Goobta la yiraahdo Diin digle ee ku taal buuraleyda Golis ayaa ah mid aad u qabow islamarkaana adag tahay in qofku wax badan arko madaama uu yahay dhul kaymo ah islamarkaana dul heehaabayaan daruuro wata ceeryaamo qabow" sidaas waxaa GO u shegeey Askari ka tirsan ciidamada amaanka Puntland oo magaciisa diidey in aan xusno.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ee halkaas ku dhuumaleysata dagaalkaan kaga dhinteen dad gaaraya Lix qof halka aysan jirin dhaawac nolol lagu qabtey.

Warsidaha GO oo kuurgaley inuu wax ka ogaado halka ay gaarsiisan tahay heerka ka warqabka Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas dagaalkaan ciidamada amaanka Puntland kaga jiraan buuraleyda Galgala ayaa fahansan iney tahay mid gabi ahaanba hooseysa madaama mas'uliyiinta dowlada gabi ahaanba ku sugan yihiin magaalo madaxda Garowe.

Magaalada Bosaso oo aad ugu dhow halka uu ka socdo dagaalka buuraleyda ayaa gabi ahaanba waxaan ku sugneyn Wasiiradii sida tooska iyo sida dadban u saameynaysay xaalada dagaal ee ka jirta buuraha Galgala. 

Ciidamada amaanka Puntland oo ku sii foogaanaya buuraleyda Golis ayaa la kulmaya dhaawacyo iyo dhimasho kuwaasoo u baahan gurmad degdeg ah.

Dhowaan ayey aheyd markii koox Wasaiiro ah sawira isaga soo qaadeen tuulada Galgalga kuwasoo sida la rumeysan yahay dib ugu soo noqdey xarunta dowlada Puntland ee Garowe.

Dagaalka ka socda buuraleyda Galgala ayaa waxaa kaalin wayn ka qaadanaya mid kamid ah wadamada Somalia ka tageera la dagaalanka kooxaha argagxisada ah ee Al-shabaab.

Ciidamada amaanka Puntland oo uu hogaminayo Gen Siciid Dheere ayaa sanadkii 2010 ka qabsadey Diindigle kooxda Al-shabaab ee halkaas ku dhuumaaleysata  Halkan ka akhri

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM