Dagaal ku dhexmarey agagaarka Dhahar ciidamada Puntland iyo Somaliland [Dhagayso]

Image

DHAHAR- Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in saaka dagaal ku dhexmarey ciidamada Somaliland iyo Puntland gobolka Sanaag degaan ku dhow Degmada Dhahar.

Dagaalkaan ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhacey degaan la yiraahdo Booda-Cadde oo u dhexeysa magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool kaasoo 30 KM dhinaca Woqooyi ka xiga magaalada Dhahar.

Ma jiraan khasaaraha dagaalkaan laga soo sheegey ilaa hadda iyadoo wararku xusayaan in baabuur lagu kala qabsadey halka dhimasho iyo dhaawac jiro.

Magaalada Dhahar ayaa waxaa ku sugan wafti uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland Cali Buureed kuwasoo degaankaas kawada howlaha diiwaangalinta doorashada la filayo iney ka dhacdo maamulkaas sanadka 2017.

Dhinaca kale magaalada Badhan waxaa ku sugan Wasiirka Gashaandhiga Somlailand kaasoo halkaas kawada howlaha diwaangalinta ka socota gobolada Sanaag.

Wasiirada Puntland ayaa ku sugeyneyn magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag iyadoo Wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in Wasiirka xaananada Xoolaha Cabdi Jamal uu ku sugan yahay degaano ku dhow Dhahar.

Gudoomiyaha Gobolka Haylaan Maxamed Faarax Jeentalo oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in ciidamo katirsan maamulka Somaliland duullaan kusoo qaadeen gobolka iyagoo doonaya inay ka hirgalinayaa diiwaangalinta doorashooyinka maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ka hor istaageen ciidamada Puntland isaogo xusay inay ka qabsadeen deegaanka dagaalku  ka dhacay islamarkaana hadda gacanta ku hayaa ciidamada difaaca Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan doonayn qorshaha ay waddo xukuumadda fadhigeedu yahay Hargaysa. 

Jeentalo oo wax laga weydiiyay khasaaraha dagaalka ayaa xusay inay dhaba ahaan ogayn tirada rasmiga ah, balse loo sheegay dhawac hal askari oo dhinaca Puntland ah, wuxuuna intaasi raaciyay inay diyaar u yihiin difaaca gobolka. 

Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli maalmaha xiisan taagnayd qaybo kamid ah gobollada Sanaag iyo Haylaan, taasoo ka dhalatay qorshaha Somaliland ee ku aadan diiwaangalinta cod-bixiyaasha doorashooyinka maamulkaasi, waxaana halkaasi labada dhinac geeyeen ciidamo badan iyadoo shacabku walaac ka muujinayeen isku dhac dhexmara labada maamul. 

Puntland iyo Somaliland ayaa muran xooggan horay uga dhex-taagnaa taasoo salka ku haysa lahaanshaha labada gobolka ee Sool iyo Sanaag, waxaana dhawaan saxaafadda haddalo isu marayay mas'uuliyiin katirsan labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM