Degmada Bareeda oo gole deegaan loo dhisay

Image

December 15, 2014 (GO)- Gole deegaan oo cusub ayaa maanta loo dhisay degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu.

Xildhibaanada golaha deegaanka Bareeda oo ka kooban 17 xubnood ayaa isla maanta doortay gudoomiyaha degmada iyo weliba ku xigeenkiisa.

Xilka gudoomiyaha waxaa u tartamay labo murashax oo kala ahaa: Siciid Yusuf Diiriye iyo Maxamuud Axmed Caynab.

Guushu waxay raacday gudoomiyaha cusub ee Bareedana loo doortay Siciid Yusuf Diiriye oo isagu helay 9 cod.

Dhanka kale waxaa xilka gudoomiye ku-xigeenka u tartamay Cismaan Cabdi Boqor iyo Siciid Cali, waxaana ku guuleystey Cismaan Boqor.

Waa markii ugu horeysey ee gole deegaan loo dhiso degmada Bareeda oo kamid ah degmooyinka gobolka Gardafuu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM