Degmada Godob Jiiraan oo gole deegaan loo sameynayo

Image

December 18, 2014 (GO)- Waxaa socda qorshe gole deegaan loogu dhisayo degmada Godob Jiiraan ee gobolka Nugaal, iyadoo xilligan ay halkaas ku sugan yihiin wafdi dowladda ka socda oo xildhibaan Cabdi Siciid Surcad hogaaminayo.

Wafdiga oo maalintii saddexaad halkaas jooga ayaa kulamo la qaadanaya odayaasha iyo waxgaradka deegaanka waxayna kala hadlayaan sidii bulshada deegaankaas ku dhaqani isaga soo dhex xuli lahayd xubnaha kamid noqon doona golaha deegaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha oo Radio Garowe la hadlay ayaa sheegay inay aad usoo dhawaynayaan qorshaha degmadaas maamulka loogu sameynayo maadaama degmadu maamul la'aan wax horumar ah ku tallaabsan karin.

Sabtida soo socota (December 20, 2014) ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada golaha deegaanka degmada Godob Jiiraan. 17 xubnood oo golaha deegaanku ka kooban yahay ayaa dooran doona duqa degmada iyo ku-xigeenkiisa.

Saddex maalmood kahor ayey ahayd markii gole deegaan loo dhisay degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM