Dhagayso: Shirka wada hadalka Puntland iyo DF oo furmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 11, 2014 (GO)-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa maanta furay shirka wada xaajoodka Puntland iyo DF oo soconaya mudo saddex maalmood ah.

Guddiyo labada dhinac matalaya oo gaaraya 15-xubnood ayaa howsha xoogeeda ka doodaya sida maanta furitaanka shirka lagu sheegay.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay inay farxad wayn u tahay wada xaajoodka Garowe uga furmay PL iyo DF, wuxuna sheegay inay muhiim tahay in si hufan looga wada hadlo arrimaha la isku hayo.

Puntland ayaa wada xaajoodkan kusoo bandhigaysa qodobo ay ka mid yihiin wax ka badalka lagu sameeyay dastuurka dowlada Federaalka, xaqa Puntland uga maqan deeqaha dibada sida qorshaha "New Deal", aqoonsiga shahaadada dugsiga sare iyo qaybsiga deeqaha waxbarashada, maamulka loo sameynayo gobolada dhexe xuduudaha uu yeelanayo, xuquuqda baarista shidaalka iyo qodobo kale.

Dhinaca kale xubnaha ka socda dowlada Somalia ayaa ka hadlaya awoodaha Dastuuriga ah ee lagu leeyahay dowlada Puntland kuwaaoso ay ku jiraan qodobka maamulada dekadaha iyo garoomada diyaardaha, doorka heshiisyada shidaalka ay ku yeelan karto.

Wararka hoose ee laga helayo kulankaan ayaa sheegaya iney suurtagal tahay iney kasoo baxo heshiis balse ay jiraan dhinaca kale qodobo adag sida Dastuurka Federaalka iyo arrimaha gobolka Mudug.

Wararka kale ayaa sheegaya in waftiga Ra'isal wasaaraha ku weheliya safarkaan u badan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo Beesha Darood taasoo shaki galin karta in qodobada lagu heshiiyo noqadaan kuwo dhaqan gala marka magaalada Muqdishu kula noqdaan.

Ra'iisul Wasaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sidoo kale labada guddi ee is hor fariisanaya maalmaha uu shirku socda ugu baaqay inay si daacadnimo ku jirtu iskula lafo guraan arrimaha khilaafka keenay ee mar kasta dib usoo celinaya, wuxuna sheegay inay meesha ku jirta daruufaha ku xeeran Villa Somalia iyo Garowe.


“Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaari lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada hadlaya waad is beddeleyssaan oo qayb Federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkaan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay ka hawlgeli doonaan Federaalka markaa waa inaad ka shaqaysaa wax aan berri caqabad kugu noqon doonin”

Wasiirka Koowaad ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha dowladda kuwaasoo ay ka mid yihiin caafimaadka, deegaanka, cadaalada, xabsiga cusub iyo xarunta Telefeshinka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM