Dowladda Puntland oo 21 degmo biyo dhaamin u sameyneysa

Image

Garowe,Puntland 27.August [GAROWE ONLINE]- Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta shaaciyay inay biyo dhaamin deg deg ah u samayn doonaan 21 degmo oo ka mid ah gobaladda Puntland si looga hortago biyo la'aanta jirta.

Hadalkan ayuu ka sheegay Camay kulan saaka xarunta PDRC ku dhexmaray qaar ka mid ah gollaha wasiiradda,Hay'adda HADMA iyo wakiiladda Hay'adaha caalamiga ah  jooga Puntland waxaana laga wada hadlayay sidii door muuqda ay beesha caalamka ugu qaadan lahayd gurmadka loogu jiro qoysaska tabaalaysan ee abaartu saamaysay.

''Waxaan si gaar ah uga codsanayaa beesha caalamka inay wixi gacan ah ka gaysan karaan abaaraha iyadoo aan la daahin, beesha caalamka waxaan jece-lahay inay maanta isu daayaan bal iney la isku dayo in dadkaan wax loo qabto''.

Dad ka badan saddex boqol oo kun oo qof ayaa abaarta Puntland ka jirta ay saamaysay sida uu Khamiistii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay madaxwayne Dr.Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM