Duqii hore ee degmada Isku-shuban oo la diley

Image

May 27, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee degmada Isku-shuban Cabdirisaaq Muuse Cartan ayaa galabta lagu diley inta u dhexeysa tuulada Carta iyo degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dabley hubeysan ayaa jidka u galay mas'uulkaas iyagoo gaarigii u watey gaari kale ku hor gooyey kaddibna tacshiirad huwiyey.

Cabdirasaaq Cartan wuxuu markii la dilayey wadey qoyskiisa oo magaalada Boosaaso kasoo xagaa baxay kuna soo jeedey degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilkan iyo weliba haybta dableyda weerarkaas fulisey, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in dilkaan ahaa mid la xiriira dilal ka dhacey degmada Isku-shuban 2013.

Cartan ayaa muddo lix sano ka badan soo ahaa duqa degmada Isku-shuban, wuxuuna xilkaas wareejiyey bilo kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM