​Ereg oo amar cusub kusoo rogay Madaarka Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland oo ku sugan Magaalada Bossaso xarunta Gobalka Bari oo wehlinayaan Saraakiil sare sare oo laamaha ammaanka kamid ah,  ayaa maanta kullan la qaatay Maamulka  Garoonka Diyaaradaha Bossaso iyo Madaxda Laamaha nabadgalyada.

Shirkaas,  ayaa u jeedkiisu ahaa  wargalinta  wareegto  Taliska Booliiska Puntland uu ku mamnuucayay in Masuuliyiinta Puntland ee aanan ahayn Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka aysan Garoonka Bosaso lasoo galin karin Waardiye iyo Hub.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland General Cabdulqaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Bossaso ku amray in Amarkaas siduu yahay u fuliyaan,Maadama Garoonku yahay halka laga Akhrisanayo Amniga Dalka.

Erag, ayaa sidoo kele sheegay in Golayaasha Dowlada Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha Badan ugu gudbin-doono Wareegtadan uu ku mamnuucayay in Garoonka Madaxda Dowladda ee aanan ahayn Xubanaha sare la yimaadan ilaalo hubaysan,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka kasoo dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Bossaso.

Lama oga sida uu amarkaas u dhaqan gali doono, waxaana tallaabadan uu qaaday iyadoo aysan soo rogin wasaaradaha u xil-saaran arrimaha Garoonka, sida wasaaradda Amniga iyo Duulista hawada.

Dhinac akale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa Kormeer ku tagay Saldhigyada Mijir iyo Baalade oo ka mid ah Saldhigyada Bossaso,isagoona intaas kadib booqday Xarunta Wasaarada Maaaliyada iyo Xarunta Gobalka Bari.

Ugu danbaytii,General Erag, ayaa tilmaamay inu sii wadi doono Tirakoobka Ciidamada Booliska Puntland ee ugu yimid Gobalka Bari, sidoo kale uu is-fahamsiinayo Laamaha Amaanka  iyo Shacabka Gobalkaasi ku nool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM