​Faah faahin dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Cutubyo katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland oo taageero ka helay diyaarado uu leeyihiin dalka Maraykanka ayaa weerar ku qaaday goob ay isku aruursanayeen mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalka oo bilowday Abaare 03:00 habeenimo ayaa ka dhacay deegaan Bariga gobolka Mudug.Gaalkacyo uga beegan 15 Km una dhexaysa Jeexdin iyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal halkaasi ka dhacay, waxaana saraakiil xog ogaal ah u sheegeen Warsidaha Garowe Online, in ciidamada PSSF oo taageero ka helay Maraykanka dileen 11-15 dagaalyahan.

Waxa sidoo kale gubeen Labo gaari oo nooca dagaalka ah iyagoo gacanta ku dhigay baabuur kale oo ay saaranyihiin dad aan ilaa hadda la xaqiijin tiradooda iyo waxa ay yihiin.

Wararka GO soo gaaraya ayaa sheegaya in mallayshiyaadka la weeraray muddooyinkii dambe isku aruursanayeen deegaankaas iyagoo doonaya inay weeraro ka gaystaan xarumo muhiim ah oo Galkacyo ku yaalla kuwaasoo la mid ah weerarada gaadmada ah ee ay Al Shabaab ka fuliyaan Koonfurta Somalia gaar ahaan midkii lagu qaaday Iidaale.

Xogta ayaa sheegaysa in ciidamadu howlgalkan ku dhaqaaqeen kadib markii la ogaaday dhaq-dhaqaaqa mallayshiyadan.

Isuduwaha wasaaradda Warfaafinta ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badal Khalaf oo warbaahinta Galkacyo la hadlay, ayaa sheegay in ciidamadu dileen tiro katirsan Al Shabaab islamarkaana kusoo guulaysteen howgal qorshaynaa oo xalay saqdhexe la bilaabay.

Balse, waxaa arrintaasi ka hadlay durba maamulka Galmudug, waxaana wasiirka Amniga oo u waramay BBC-da uu sheegay in ciidamada Puntland iyo diyaaradaha Maraykanku duqayn kusoo qaadeen saldhig ciidamadoodu joogeen.

Cismaan Ciise Nuur oo loo yaqaan Taardhuleed, ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay in kabadan 20 askari, isagoo intaa ku daray in Afar baabuur oo ka mid ahaa gaadiidkii ciidanka Galmudug ee saldhiggaa ku sugnaa lagu gubay duqayn ay fuliyeen diyaarado Maraykanku leeyahay sida uu hadalka u dhigay.

Taardhuleed, ayaa xusay in arrintan sabab u tahay "warar khaldan" oo la siiyay Maraykanka, isagoo ugu baaqay ciidamada Maraykanka inay jawaab deg deg ah bixiyaan.

Qaybo kamid ah gobolka Mudug ee ay maamusha Galmudug, ayaa muddooyinkii dambe waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadey mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab, kuwaasoo soo dhaweyn ka helay dadka halkaasi ku dhaqan kadib markii ay u gudbiyeen warar Propaganda ah, oo ay ka sameeyeen tallaabada Puntland ku baarayso gaadiidka soo gala xuduudaheeda.

Waxay sidoo kale ka faa'iidaysteen dagaallo qabaa'il ku salaysan oo muddooyinkii dambe dhexmaray beelo kasoo kala jeeda labada dhinac.

Lama xaqiijin karo in maamulka Galmudug arrintaasi wax ka ogyahay, balse naqdin howlgalkan ayaa abuuraysa shaki ah inay wax ka abaabuleen mallayshiyaadka la weeraray.

Horraantii sannadkan ayay ahayd markii Al Shabaab kasoo duulay Xarar-dheer ciidamada Puntland kula dagaallameen deegaano kamid ah gobollada Mudug iyo Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM