​Farole oo la kulmay waxgaradka gobollada Bari iyo Karkaar [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DANGOROYO, PUNTLAND- Murashaxa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa socdaal dhinaca lugta ah kusoo maray inta u dhaxaysa gobollada Bari iyo Nugal, wuxuuna kulamo kala duwan lasoo qaatay bulshada ku dhaqan degmooyinka teedsan laamiga.

Arrimaha madaxweyne Farole dadka deegaanka kala hadlayay ayaa la xiriiray adkaynta amniga ka jira Puntland, xallinta khilaafaadka iyo qorshayaal ku aadan doorashada dalka Somalia ka dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana kasoo qayb galay, Guddoomiyaha gobolkaasi, duubabka dhaqanka iyo saraakiisha Akadeemiyada ciidanka booliiska Somaliyeed ee degmadaasi ku sugan, waxaana soo dhaweyn kadib kulan khaas ah la qaatay waxgaradka Carmo isagoo kala hadlay khilaafaadka jira iyo qaabka lagu xallin karo.

Odayaasha ayaa murashaxa u faah-faahshay waxyaabaha jira, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin xallinta tabashooyinkooda dhinaca dowladda iyagoo soo dhaweeyay dadaallada uu wado madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole.

Farole, ayaa odoyaasha u sheegay in Puntland ilaalinteeda qof kasta mas'uuliyad ka saarantahay gaar ahaan waxgaradka, wuxuuna ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo amniga wax u dhimi kara.

Kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday is-afagarad, waxaana odoyaasha murashax Farole ugu hambalyeeyeen hamigiisa ku aadan hogaaminta waddanka Somalia, iyagoo xusay inay la garab taaganyihiin hiil iyo hoo intaba, waxayna EEBBE uga baryeen inuu ku guuleeyo.

Madaxweynihii hore Puntland ayaa sidoo kale ku hakaday degmada Waaciya, isagoo halkaasi kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana dhexmaray kulan looga hadlay adkaynta amniga iyo deegaanka.

Faroole ayaa intaasi kadib usoo gudbay xarunta gobolka Kar-kaar ee Qardho, halkaas oo ku soo dhaweeyee, wasiirka Maaliyadda Puntland, maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiil Ciidan, waxaana soo dhaweyn kadib madaxweynihii hore Puntland kulan xarunta madaxtooyada kula qaatay waxgaradka gobolka Kar-kaar iyagoo kawada hadlay xaaladdaha amni iyo midda siyaasadeed, waxayna murashaxa u sheegeen in gobolku amnigiisu wanaagsanyahay islamarkaana aysan ka dhicin wax shaqaaqooyin ah.

Qorshaha uu wado ee hogaaminta waddanka Somalia ayay kala hadleen, waxayna u caddeeyeen in gobolku doorweyn ka qaadan doono sidii uu xilkaasi ku heli lahaa iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin tallaabo kasta oo madaxweyne Farole ku guulaysan karo.

Mas'uuliyiinta gobolkaasi ayaa ugu dambeyn kasoo sagootiyay murashaxa degmada Qardho, wuxuuna caawa ku suganyahay degmada Dangoroyo halkaasoo la filayo inuu kula kulmo waxgaradka magaalada iyo odoyaasha dhaqanka.

Farole ayaa la filayaa in maalinta barri ah uu tago magaalada Garowe, halkaas oo socdaalkiisu ku wajahanyahay, waxaana la filayaa inuu arki doono bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynihii hore Puntland ayaa ka mid ah madaxda u sharaxay hogaanka dowladda Federalka Somalia, waxaana murashaxnimadiisa ku dhawaaqay bishii April isagoo ololihiisa ka bilaabay dalka iyo dibadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM