Faysal Waraabe oo eedeeyey kulanka Muqdishu ka socda

Image

HARGEYSA 14 Dec, 2015 (GO)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Faysal Cali-waraabe, ayaa si adag uga hadlay shirarka dib lagu  eegayo qaabka ay noqon doonto doorashada la filayo inay Somalia ka dhacdo sanadka 2016, waxana uu cadeeyey inaanay Somaliland arrintaas qayb ka noqon doonin.

Faysal Cali-waraabe oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in doorkii shirkaasi ku lahaayeen dadka Soomaalida lagu wareejiyey dad ajaanib ah, waxana uu nasiibdarro ku tilmaamay tayo la’aanta maamul-goboleedyada Soomaalida oo sii badanaya. "

qaddiyaddan Soomaalidu waa laga afduubay taladeediina waa laga qaatay, dalkoodiina waa la haystaa oo runtii Soomaaliya maanta waddana xor ah ma aha. mashruucan dawlad-u-dhiska Somalia waa mashruuc dusha ka hareeraysan oo ajanabi lagula saaxiibay, isla-markaana Road-map la samaytay oo ciidamo shisheeye loo samaystay, waxaasina maamul-goboleed samayn ma ahee waa maamul beeleed samayn” ayuu yidhi Faysal Cali-Waralbe. 

Gudoomiyaha xisbiga UCID waxa uu ka digay qorsheyaal  la doonayo in gobollada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag lagaga sameeyo Maamul-goboleedyo cusub. 

“Maamul-goboleedyadii baa batay  oo lagu tartamay, iminkana  waxa ay maraysaa in qolo tidhaahdo maamul-goboleedka aynu badsano oo aynu Sool iyo Sanaag  ka sameyno, laakiin hore waxan u idhi Sool iyo Sanaag ma aha sida dadka Jubooyinka ee ajaanibka loo soo kaxaysan karo.” 

Ugu dambayntii Faysal Cali-waraabe, waxa uu dhaliilay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo, waxaana uu tilmaamay inay hoos u dhigtay meeqaamkii Somaliland hore u joogtay, isagoo ku eedeeyey arrimo musuq-maasuq. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM