​Gaas oo dhagax dhigay waddo isku xirta Bayla iyo Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddooyinkii safar ku marayay qaybo kamid ah gobolka Karkaar ayaa dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmooyinka Qardho iyo Bayla oo qiyaastii isu jira masaafo kabadan 220KM.

Wadadaas ayaa noqon doonta Laami sida uu cadeeyay mudane Gaas oo dhagax dhigaas sameeyay kadib kormeer uu ku sameeyay qaybaha kala duwan ee degmada Bayla.

Mudane Gaas ayaa xusay in jidkaasi lagu dhisi doono qorsha hal ku dhigga u ah xukuumaddiisa ee "isku tashiga" taasoo ay si wadajir ah u samayn doonaan Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Wuxuu intaas ku daray inay wax ka tari doonto isku socodka gaadiid iyo dadweynaha isagoo sheegay in Bayla ay tahay magaalo taariikhi ah oo leh khayraad kala duwan.

Gaas ayaa inta uu talada hayey waxaa uu dhagax dhigey mashaariicda badan kuwasoo aan weli dhameystirmin.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo kormeeray togga Biyo Guduud oo dhawaan ay ka hirgelisey Wasaarada Degaanka iyo Duurjoogta ee Dawladda Puntland biyo qabatin loogu talo galay inay ka faa'iidaystaan dadka reer guuraaga ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u soo kicicitimay dhanka degmada Qardho waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuudo ee gobolka karkaar, isagoona soo kormeeray dhismaha  Boqor Cismaan alle ha’u naxariistee, dhismahaas oo ah mid la dhisay boqolaal sano ka hor.

Gaas oo safar kusoo ahaa degmada Qardho ayaa soo maray deegaanka Dhudhub oo xariga ka jaray ceel biyood ku shaqaynaya tamarta cadceed (solar) oo ay hirgelisey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN).

Safarkaas oo qaatay ku dhawaad toban cisho ayaa Madaxweyne Gaas kusoo gaba-gabeeyay degmada Qardho isago joogi doona maalmaha soo socda, wuxuuna socdaalkaa ugu kuurgalayay dadka reer guuraaga ah ee u hayaamay goobaha roobabku ka da'een ee gobolka Karkaar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM