​Gaas oo ka hadlay dekedda Bosaso iyo Qalbi Dhagax [Daawo]

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Putland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto, mashruuca lagu dhisayo dekedda Bosaso, Mowqifka Puntland ee khilaafka Khaliijka, khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa gobollada dhexe, Dhiibista Qalbi Dhagax iyo wasiirkii xilkiisa ku waayay kiiskaas.

Gaas oo u waramayay TV-ga SBC, ayaa ugu horayn sheegay in Puntland ay ka jirto Amni, Hormar, kala dambayn iyo koritaan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha kuwaasoo ay jiraan dhismayaasha Garoomada Diyaaradaha, dekadaha iyo waddooyinka.

Wuxuu sheegay inay jiraan caqabado dhowr ah oo dowladiisa soo food saaray, kuwasoo uu ka xusay dhinaca amniga iyo khatarta kooxda Al Shabaab, isagoo intaas raaciyay in dhinaca xuduudaha laftigooda ay uga imaadaan mararka qaar dhibaatooyin.

Weerarkii Af-Urur:-

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay weeraro is-xig xigay oo ka dhacay deegaanka Af Urur kaasoo askartii ugu badnayd hal mar looga dilay ciidanka Puntland, wuxuu Gaas dagaalkaas ku tilmaamay Nasiib darro dhacday iyo gaadmo ay sameeyeen kooxda Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in hadda deegaankaas amnigiisa la sugay oo ay joogaan ciidamada difaaca Puntland.

Mashruuca Dekedda Bosaso iyo dadka diidan:-

Madaxweyne Gaas ayaa si faah faahsan uga hadlay mashruuca lagu ballaarinayo dekedda Bosaso oo uu sheegay inay kamid tahay dhaxalkii ay uga tagtay dowladdii dhexe ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siyaad Barre.

Mashruucan, wuxuu ku tilmaamay faa’iido si sahlan lagu helay oo hadii aan laga mira dhalin iminka laga qoomamayn doono, sida uu hadalka u yiri. “Maalin walba waxaa ii imaanayay Ganacsato iyo dad leh halkaan deked kama jirto, Maraakiibtayadu 2 bilood ayay taaganyihiin, waxaas iyo kabadan ayaa noo imaanayay. Markii la helay mashaariic waxaana maqlaynaa dad baa kasoo horjeeda, waxaana ku tilmaamaynaa kuwaaso inay yihiin hormar diid.”

Madaxweyne Gaas ayaa ka digay in la mucaarado waxyaabaha hormarka guud ku jiro.

“Mucaaradnimada dowladda iyo hormarka ha laka saaro, waxaan ku tilmaami karna dadkaas doqomo iyo kuwo diidan hormarka Puntland.”

Dadka magaalada Bosaso shirarka ku qabanaya ee diidan in la baallariyo dekedda Bosaso, wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwa wata dano gooni ah.

“Horta dadka buuqayaa waxaa laga yaabay xitaa inaysan ahayn dadkii Guryaha lahaa ee waa dad danlay ah, waxaad ogaataan dekaddan hadii ay hirgasho Cida ka faa’iidaysanaysa maaha Cabdiwali Maxamed Cali iyo xukuumadiisa, balse waa wax aan doonayno in carruurteena, kuwa ay sii dhalaan iyo mustaqabka la rabo in loo aayo,” Ayuu yiri Gaas.

Isagoo ka hadlayay walaaca ay qabaan dadka deegaanka iyo guryaha la sheegay in la duminayo, wuxuu yiri, “Horta guryo aan niri waa la duminayaa ma jirto, hanti hada la bur-burinayo oo aan oganahayna ma jirto, cidii ku dhex nool dekada ama Kalluumaysato ha noqota ama cid kale ha noqotee meeshooda ayay joogayaa, hadii loo baahdo inay ka baxaan xal ka wanaagsan tan ayaa loo helayaa.”

Dowladda Imaaraadka ayuu sheegay inaysan faa’iido weyn ugu jirin mashruucan ee ay u danaynayaan shacabka Puntland.

Mowqifka Puntland ee Khilaafka Khaliijka:-

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay khilaafaan go’aankii dowladda Federaalka ee ku saabsanaa muranka Khaliijka, wuxuuna sheegay  dowladda dhexe arrimahan oo kale in aysan kaligeed lahayn go’aankeeda balse laga talo galiyo maamullada dalka.

Dowladda Qadar ayuu tilmaamay inaysan wax xiriir ah la lahayn faa’iidana ugu jiran Puntland, balse dowladahan ay waxbadan u qabteen umadda Somaliyeed.

“Anaga Qadar meel ay ku taal ma naqaan, xiriir Ganacsi iyo mid dhaqaale lama lihiin, Atam oo dhibkaad aragtay ka gaystay Galgala ayay gacanta ku hayaan oo ay kharash ku bixiyaan, laakiin dowladda Imaaraadka iyo Sucuudiga  waxbadan ayay noo qabtaan, hada DP World ayaan ka hadlaynay Imaaraadka ayaa laga leeyahay, ciidamada PMPF-ta iyagaa taageera, Sucuudigana waa waddan muhiim u ah muslimiinta,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo intaas ku daray, “Aniga Afar Malyan oo reer Puntland ah ayaa mas’uuliyad iga saarantahay, anagana waan la hadalnay waan u sheegnay in arrintaan aan dhex dhexaad laga noqon kari.”

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in markii ay go’aankaas qaatay Puntland dowladda dhexe la soo xariirtay waxa jirana ay u sheegeen.

Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland:-

Madaxweyne Gaas oo lagu eedeeyo inuu la daahay hirgalintan Mashruucan ayaa ka jawaabay su’aal ahayd hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo in lagu dhammaystiri karo mudada Sannadkan iyo saddexda bilood ah ee u hartay xukuumaddan, wuxuuna sheegay in dedaalkan ay bilaabeen sannadkii hore ee aysan la daahin.

Wuxuu sheegay in qorshahan hadda meel wanaagsan marayo, xisbigii ugu horeeyay la furay islamarkaana hadii howl badan la qabto waqtiga hartay lagu dhammaystiri karo oo la samayn karo, diiwaangalinta shacabka, doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wixii kale ee loo baahanyahay.

Diidmada Lacagta Somaliga iyo sare u kaca sarrifka:-

In la diido lacagta shilling Somaliga wuxuu ku tilmaamay dhibaato ay keentay kooxda Al Shabaab, kadib markii ay diideen lacagtii Puntland islamarkaana halkan loo soo dhoofiyay lacagtii duuga ahayd ee Sh. Somaliga.

Wuxuu sheegay in dedaal dheer ay sameeyeen kadib ku guulaysteen in la maareeyo dhibaatadaas inkastoo uu xusay in dowladdu kala kulantay khasaaro badan.

Kalluumaysiga Sharci darrada ah:-

Mar Madaxweyne Gaas ka hadlayay arrinta la xariirta jariifka xeebaha iyo Kalluumaysiga sharci darrada ah, wuxuu tilmaamay in xukuumadiisu 2014 ay ku dhawaaqtay in arrintan tahay masiibo qaran.

Wuxuu sheegay in ciidamada badda Puntland ay wadaan dadaal xooggan islamarkaana ka hortagayaan dhib kasta ka imaan kara arrintaas isagoo sheegay in dedaalkooda aysan waxba hagran doonin.

Xasarada gobolka Mudug:-

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in waxa gobolka Mudug ka socda aan loo baahnayn isagoo ku baaqay in lasoo afjaro colaadda soo noqnoqotay. Shacabka Puntland ayuu tilmaamay in markasta nabad u taaganyihiin.

Dhiibista Qalbi Dhagax iyo wasiirkii xilka laga qaaday:-

Madaxweyne Gaas oo wax laga weydiiyay sida uu u arko dhiibista Qalbi Dhagax ayaa sheegay inaysan ahayn arrin khusaysa balse u taalla dadka ay ka dhaxayso.

Wasiir Gurxan oo kiiskan dartiisa xilka looga qaaday ayuu tilmaamay inuu faraha la galay arrimo aysan dowladdu ka warqabin islamarkaana la tashi ka galin.

 Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan amniga, hormarka islamarkaana meel ugasoo wada jeestaan cid kasta oo carqalad galin karta tallaabooyinka wanaagsan ee horay loo qaaday.

Halkan ka Daawo Muqaalka Waraysiga Madaxweyne Gaas lala yeeshay

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM