Gaas oo digniin dhinaca shaqada ah siiyey taliyaha ciidamada PSF

Image

GAROWE- Warar warsidaha Garowe Online ka helayo ilo ku dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas kulan la qaatey taliyaha ciidamada PSF Asad Cismaan Diyaano isagoo kala hadlay dhaqdhaqaaqyo siyasadeed uu wayadaan dambe ka wadey magaalooyinka Boosaaso,Garoowe iyo Galkacayo.

Sida xogtaan sheegeyso Madaxweyne Gaas ayaa taliyaha waydiiyey mar hadii uu olole musharxnimo ku jiro in xilka agaasimaha ciidmada PSF baneeyo madaama sida uu ka warhayo ay howsha sugida amniga gaar ahaan Magaalada Boosaaso dayacan tahay.

Taliyaha ayaa sida xogtaan tibaaxeyso ka gaabsadey in Jawaab deg deg ah uu ka bixiyo hadalka Madaxweynaha Puntland isagoo xusey in arinkana aan weli waqtigeeda la joogin.

Madaxweyne Gaas ayaa talabadaan qaadey kadib markii xubnaha siyaasad ahaan ku dhow ku cadaadiyeen in taliyaha PSF kala hadlo howlaha uu ku jiro madaama gaaabis ku yimid howlgaladii ciidamadaan ku sameyn jireen arimaha amni sugida Puntland.

Taliyaha ciidamada PSF oo ku cusub ku soo biirida siyaasada Puntland iyadoo Olalaha uu qarsoodi aheyn ayaa sida la rumeysan yahay waxaa shaki galiyeen Madaxweyne Gaas iyo qorshayaashiisa qarsoon.

Madaxweyne Gaas ayaa sida warar hoose sheegayaan ayaa kulankaan kadib waxaa suurtagal ah in xil ka qaadis ku sameeyo taliyaha ciidamadaan hadii xaalada jirta isbadal ku imaan.

Olalaha doorashada ee taliye Asad wado oo sida muuqata lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa uu xiriiro dhow la leeyahay qaar ka tirsan Xildhibanada Barlamanka, la taliye-yaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo Wasiiro uu ugu tun weyn yahay Wasiirka arimaha gudaha Puntland isagoo dhinaca kale aad ugu dhex-jira bulshada kale qaybaheeda kale duwan gaar ahaan dhalinyarada.

Wararkii ugu dambeeyey oo soo gaaraya warqabadkaan ayaa xusaya in taliyaha ciidamada PSF kulankaan kadib maanta u ambabaxey magaalada Boosaaso. Asad ayaa asbuucyadaan ku sugnaa Garoowe isagoo ka kireystey gurri wayn oo la sheegey inuu ka socdo ololihiisa siyaasadeed taasoo shaki galisay tageerayasha Madaxweyne Gaas.

Ciidamada amaanka Puntland “PSF” oo tageero dhaqaale iyo mid tababar ka hela Dowlada Mareykanka ayaa dagaalo iyo howlgalo lagu xakamenyanayo dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ah ka wada degaanada hoos yimaada maamulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM

Puntland oo qabatay burcad-badeed $5 milyan ku heshay afduubka markab

Lama xaqiijin in lacagtii madax-furashada ahayd ee la siiyay burcad-badeedda la soo qabtay intii howlgalku socday.

  • Puntland

    14-04-2024

  • 07:31AM