Gaas: Puntland ma aqbalin wax la yiraahdo 4.5

Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada VOA qaybteeda Afka-Somaliga ayaa sheegey in shirka Kismayo  ee madaxda Somalida iskugu timid aan lagu tilmaami karin mid bur-burey.

Mundane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sheegey in la-wada hadley islamarkaana aan la gaarin heshiis kama dambeys ah balse ujeedadu aheyd in la yareeyo farqiga u dhexeeya dhinacyada Somalida.

Madaxweyne Gaas oo wax laga waydiihyey warar sheegaya in Puntland ogolaatey nidaamka 4.5 lakiin arrimo ku saabsan aqalka sare la isku mari waayey ayaa sheegey ineysan wax ka jirin wararkaas.

“ Wax ka jira ma jiraan, aqalka sare iyo aqalka hoose waa isku xiran yahiin, midna gaar looma dhisi karo midna gaar loogama gorgortami karo, lakiin waxaa la leeyahay Puntland baa ogolaatey aqalka hoose marka aqalka sare ayaa lagu gorgortamayaa wax jira ma aha”

Madaxweynaha Puntland ayaa wareysigaan ku sheegey in meshii shaley la joogey in laga gudbo tahay si loo helo nidaaam wanaagsan oo dadku heshiis ku yihiin kasoo leh matalaad dhab ah.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa dhinaca kale albaabka u furey wixii xal la moodo in laga hadli karo isaga oo xusey in shacabka Puntland u wakiisheen islaamrkaana u sheegeen mowqifkooda.

“Shacabka Puntland fartiin bay na faareen mowqifkoodana waa noo sheegeen waana noo igmadeen in aan dadka Somalida oo wax nagala dhexeeyaan in aan kala hadli karno, in dadka guud ee Soomliyeed-ah loo arko in wax la iska yiraahdo way noo wakiisheen iyagaa wakiil uga aheyn, way imaaneysaa in boqolkiiba boqol qof walba waxa uu doono uusan heli doonin, lakiin hada meeshaas maba joogno.”

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyey kulanka Muqdishu loo balansan yahay maalmaha soo socda ayaa sheegey inuu maqley balse uusan caasumaad dhab ah weli helin balse Puntland ka qayb galeyso.

Wareysiga madaxweynaha Puntland ayaa ku soo bergmaya xilli ay soo baxeen warar sheegaya in tanaasul uu ka sameeyey in nidaamka 4.5 lagu qaybsado Barlamanaka Federaalka oo shaqadiisa bilaabi doono dabayaqada sanadka 2016.

Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtey madaxda Somalida maalmaha soo socda soo gudbiyaan qaabka ay u dhaceyso doorashada Somalia iyaga oo hoosta ka xariiqey ineysan jirin wax kororsiimo ah.

VOA_ Halkan ka dhageyso wareysigaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM