Ganacsatada PL oo ka welwelsan daabacaadda Shilin Soomaliga

Image

BOSASO Feb 7, 2015 [GO]- Waxaa isa soo taraya walaac ganacsatada reer Puntland ka qabaan qorshe la sheegey in xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas dooneyso inay ku  daabacato lacag Shilin Somali oo faalso ah.

Makiinadda daabaceysa lacagta  oo diyaargarowgeedii ugu dambeeyey socdo ayaa wararka la helayaa xusayaan  in la dhigi doono guriga wasaarada maaliyada Puntland qaybteeda cashuuraha Barriga ku laheyd magaalada Bosaso.

Ganacsato intooda badan fadhigoodu yahay magaalo madaxda gobolka Brri ee Bosaso ayaa maalmahaan waxaa u socdey wada-tashiyo ay kaga hadlayaan sidii xukuumada Puntland loogala xaajoon lahaa  joojinta qorshaha dabacaadda lacagta Shilin Somaliga.

Kulanka ganacsatada ayaa sida warsidaha Garowe Online xog hoose ku helay waxaa lagu go'aamiyey in la dhiso guddi dhowr xubnood ka koobaan oo ay ganacsatadu iska soo xushay, kuwaasoo dhowaan la shiri doona Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale waxaa jira walaac ay ka muujinayaan  lacagtaan culimaa'udiinka Puntland kuwasoo sheegey in horey dhibaatooyin dhaqaale u abuurtey daabacaadda lacagta faalsada ah kadib markii dowladii Madaxweyne Cadde Muse makiinado keentey magaalooyinka waaweyn.

Wararka la xiriira in xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas qorsheyneyso iney daabacado lacag Shillin Somali ah oo soo kordhaya ayaa sida Garowe Online rumeysan yahay waxay sababtey in qiimaha sarifka dollarka kor u kaco $100 "2200,000" Shilllin Somali ah. "

Sababta keentey in 100USD oo horey u ahaa sarifkiisu 2100,000 Shillin Somali ah ayaa lala xiriirinayaa kadib markii ganacsatada ka shaqeysata sarifka lacaguhu bilaabeen iney suuqa ka urursadaan lacagta Dollarka madaama la filayo in qiimo dhac uu ku yimaado Shilinka Somaliga.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo dhowaan safar ku tagey magaalada Muqdisho ayaa wararka kasoo baxaya safarkiisu sheegayaan in habeenkii xaley 6 Feb,2015 uu la kulmey xildhibaanada Dowlada Federaalka ee kasoo jeeda Puntland.

Xildhibaanada ayaa walaac ka muujiyey xaalada dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay balse Madaxweyne Gaas ayaa u sheegay inuu socdo qorshe lagu xalinayo dhibaatada dhaqaalaha, kaasoo xilligan xukuumadiisu gacanta ku hayso.

Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaan weli shacabka reer Puntland u sharaxin iney qorsheynayaan daabacaadda lacagta Shillin Somaliga iyo in kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM