Galgala: saldhigyadii ciidanku la wareegeen oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 3, 2014  (GO)- Waxaa warbaahinta loo soo bandhigay saldhigyadii Al-shabab ee deegaanka Galgala oo ciidamada Puntland labo maalmood kahor hawgal ballaaran kula wareegeen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Jen. Siciid Dheere iyo gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Gallan ayaa si wadajir ah deegaanka Galgala shir-saxaafadeed ugu qabatay. 

Jen. Siciid oo hadalka ku horreeyey ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgalkii ciidamadu buuraleyda Galgala kaga saareen Al-shabab, wuxuuna sheegay in hawlgalkaasi ahaa mid in muddo ah Dowladda Puntland qorsheynaysay si guul ahna kusoo dhamaaday.

Taliyaha ciidanka Daraawiishtu wuxuu intaas ku daray in dagaalka ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al-shabaab tiro intaas ka badanna ku dhaawaceen. Dhanka ciidanka wuxuu xaqiijiyey in hal askari ka dhintay lix askari oo kalena dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa isna dhankiisa sheegay in bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan dadka reer Puntland guul weyn u tahay la wareegista ciidamada ee deegaanka Galgala.

Gallan oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celin doono boqollaal qoys oo beeraley u badnaa, kuwaasoo horay degmada Galgala uga barakcay.

Qabsashada ciidamada ammaanka Puntland ee buuraleyda Galgala ayaa dhabar jab weyn ku ah Al-shabab oo bishii hore Maraykanku dileen ninkii hoggaamiyaha u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM