​GAROWE- Shacab ku mudaharaaday xarunta Barlamank

Image
Image
Image
Image

GAROWE- Mudaharaadayaal u badan haween iyo dhalinyaro ayaa maanta isugu soo baxay afaafka hore xarunta Barlamanka Puntland iyagoo ka cabanaya sicir barar dhanka maciishadda iyo lacagaha qalaad.

Dadka ayaa ku qaylinayay ereyo ay ku dalbanayaan in wax laga qabto xaaladda oo ay sheegeen inay u sii dheertahay diidmada lacagta 500 Shilling Somaliga iyagoo sheegay in dowladdu ka gaabisay sidii loo xakamayn lahaa lacagaha qalaad.

Qaar kamid ah haweenkii isu soo baxay ayaa sheegay inaysan awoodi karin maaraynta nolosha qoysaskooda maadaama xaaladdu meel adag marayso, waxayna 66-da mudane ee Barlamanka Puntland ka dalbadeen inay arrintan soo faragashadaan, maadama ay lahaayeen sababta xukuumadda hada jirta ku timid.

Haweenka ayaa sidoo kalel dhaliil usoo jeediyay qaar kamid ah shirkadda gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay ka qayb qaadanayaan kor u kaca ku yimi qiimaha badeecada iyo lacagta dollarka, kaasi oo halkii dollar Garowe ka marayo 28,000sh.

Xubno kale oo mudahaaradayaasha kamid ah ayaa xukuumadda madaxweyne Gaas ku dhaliilay inaysan bixin xuquuqdoodi muddo, taasina sabab u tahay inay cabashadaan sameeyaan.

Waxay intaasi ku dareen inay jiraan lacago lagu daabay meelo ka baxsan Puntland kuwaasi oo dowladdu ka warqabto islamarkaana qayb ka tahay sicir bararkan soo food saaray.

Intii mudahaaraadku socday, waxaa goobta soo gaaray mas'uuliyiinta katirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo saraakiisha amniga kuwaasi oo isku dayay inay qanciyaan dadka cabanaya, balse majirto wax ka dhagaystay soo jeedintooda.

Banaanbaxayaasha ayaa markii dambe iskood isaga tagay, mana jirto cid katirsan xukuumadda oo arrintaasi ka hadashay.

Banaanbaxan ayaa kalifay in muddo hakad galo isu socodka gaadiidka iyo buslada, waxaana muddo banaan baxayaashu ku sugnaayeen xarunta Garowe ku leeyihiin Barlamanka Puntland oo u socdo Kalfadhi aan caadi ahayn, kaasi oo looga arrinsanayay xaaladda Puntland, tahriibta, islamarkaana lagu ansixiyay guddiga doorashooyinka KMG ah.

Dowlada Puntland ayaa xarunta magaalada Bosaso ku rakibtey makiinad kuwa lagu sameeyo lacagta Shillin Somaliga taasoo cabasho Ka muujiyeen ganacsatada iyo dadka danyarta ah. 

Dhinaca kale warar aan Ka heley saraakiil Ka tirsan wasaarada Maaliyada ayaa sheegaya in ciidmada mushaharka lagu siiyo lacagta Shanta Boqol ee Shillin Somaliga taasoo iyadana laga diido in suuqa wax lagaga iibsado madaama bangiga Puntland uusan dib u qaadan lacagtaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM