Garowe: war-murtiyeed kasoo baxay kulanka DF, Puntland iyo Jubaland

Image

July 19, 2015 (GO)- War-murtiyeed afar qodob ka kooban ayaa kasoo baxay kulan saddex-geesood ahaa oo magaalada Garowe ku dhex maray Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe.

Afarta qodob ee war-murtiyeedka ayaa kala ah: in la ilaaliyo Dastuurka Federaalka, in la xoojiyo midnimada, in qaab saxan loo maro dhismaha dowladaha federaalka iyo weliba in la sameeyo dib u heshiisiin.

War-murtiyeedka maanta soo baxay  ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku sugan yahay magaalada Nairobi, halkaasoo shalay safar aan horay loo shaacin uu ku tegey.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhinacyadu haba yaraatee wax heshiis ah oo rasmi ah ka gaarin arrimihii lagu muransanaa, gaar ahaan welwelka Puntland ka qabto maamulka gobollada dhexe iyo kalsooni kala noqoshadii baarlammaanka Jubaland.

War-murtiyeedka ayaa u qornaa sidan:


Kullankii Dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland
                                                                                                                                                                                     Garoowe, July 19,2015


Horudhac

Waxaa booqasho qaadatay 11 ilaa 19 julay 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland wufuud ay kala hogaaminayeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, kullan wadatashi oo ay wada qaateen iyaga iyo dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda.

1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya
Waxay isku raaceen Raysulwasaaraaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana wax-kasta oo la qabanayo ama lasamaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

2.  Midnimada Umadda Soomaaliyeed
Waxay sidoo kale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

3.  Xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka

Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

4. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed

Waxay ku baaqeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM