​Guddiga abaaraha Puntland oo baaq diray

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey oo ay wehelinayaan gudiga abaaraha Punrland ayaa maanta 26 November 2016 baaq u diray ummadda soomaliyeed gaar ahaan shacab reer puntland, kaasoo ku aadan sidii loogu soo gurman lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Camay oo sidoo kale Guddiga Abaaraha madax u ah, ayaa xarunta Madaxtooyada kusoo bandhigay warbixin la xiriirta xaaladda abaarta ee ka jirta Puntland, wuxuuna ku tilmaamay tii ugu xumayd ee soo marta abid Somalia.

Sidaas awgeed, waxay direen guddigu baaq wadajir ah oo ku socda Beesha Caalamka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo ha'yadaha ka shaqeeya sama falka, kuwaasoo ay ka codsadeen inay si deg deg ah xaaladdan wax uga qabtaan.

''Ujeedada aanu u qabanayno baaqani waa laba mid oo muhiim ah; tan hore waxaanu caalamka tusaynaa in Puntland ay u midaysantahay dhibtaan haysata Guud ahaan reer Puntland, ujeedada labaadna waxa ay tahay is baraarujin qafkasta meel kastuu joogo dalka gudihiisa iyo debediisaba inuu aqoon san yahay maanta in aanay jirin wax lala hadhaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay ALLE colaadda nabad haynoogu bedelo abaartana aaran ha noogu bedelo, waxanu wax ka qaban doonaa inshaa allah wax badan oo sahlaya in lagaga gudbo abartan daba dheraatay oo ay kow ka tahay yaraynta qiimaha biyaha iyo wax kasta oo aasaas u ah nolosha bini aadamka, ugu danbayn waxaan baaq u diraynaa umada soomaliyeed gaar ahan kuwa reer Puntland, ha'yadaha ku hawlan bini aadanimada, beesha calamka iyo cid kasta oo ka qayb qadan karta gurmadkan loo fidaano dadka abaaruhu saameeyen in laga wada qayb qaato si degdega,'' ayu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland .

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa isna sidoo kale baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa reer puntland, isagoo ugu baaqay inay ka qayb qataan xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, sidoo kale waxaa uu tibaaxay in nolosha dadka ay ku xiran tahay baadiyaha maantana ay la il daran yihiin abaar saamayn xooggan ku yeelatay, waana inagu waajib buuyiri  inaan ka wada qayb qaadano gurmadka.

Culimada qaybta ka ah gudiga abaaraha Puntland aya iyaguna dhankooda sheegay in EEBBE subxanahuu watacaalaa waajib ka dhigay inaan is caawino, dhibaatada jirtana ay tahay imtixaan.

Dhanka kale, waxaa maanta wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen Guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland, waxaana looga hadlayay xaaladda jirta iyo sidii la isaga xogwaraysan lahaa arrimaha ku saabsan abaarta.

Maaha markii ugu horraysay oo maamulka Puntland diro baaq caalami ah taasoo ku aadan sidii looga qayb qaadan lahaa dhibka jira, balse ilaa hadda cid gacan ka gaystay majirto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM